4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Kalluumaysatada Puntnlad oo Markii ugu Horreysay la siiyay Kaarar Aqoonsi


Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Kalluumeysatada maamulka Puntland ayaa la siiyay markii ugu horreysay kaararka aqoonsiga, kaasoo ka caawinaya inaan loo maleyn inay yihiin kooxo burcad-badeed ah inta ay badda ku jiraan si ay u soo kalluumeystaan.

Ugu yaraan 2,000 oo qof oo kaluumeysato ah ayaa la siiyay kaararka labadii bil ee lasoo dhaafay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasiiradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland.

Mid ka mid ah kalluumeysatada Puntland ayaa sheegay inuusan wax cabsi ah ka qabin in loo qaato burcadbadeed marka uu badda galo si uu u soo kalluumeysto iyo marka uu kasoo baxo.

“Dhibaato badan ayaan ka mudan jirnay kalluumeysiga markii hore, balse hadda aad ayaan u faraxsannahay, waayo markaan ciidamada la dagaalanka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ku sugan aan tusno aqoonsigeenna waxay noo ogolaadaan inaan howsheenna wadanno,” ayuu yiri Muuse Cabdulle Ciise.

Sidoo kale, Muuse wuxuu sheegay in kalluumeysato badan loo dilay shaki looga qabo inay burcadbadeed yihiin, halka tiro kale oo fara badanna loo xiray shaki ku saabsan inay burcadbadeed yihiin.

Mas’uuliyiinta wasaaradda kalluumeysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay inay liis gareeyeen 4,000 oo kalluumeysato ah, ayna siinayaan kaarar aqoonsi illaa dhammaadka bisha Abriil.

Kalluumeysatada Puntland iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer oo hore ka cawday dhibaatooyin ay kala kulmaan maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo mararka qaarkood loo qabto in burcadbadeed ay yihiin.

Tallaabadan kaararka aqoonsiga lagu siiyay ayay kalluumeysatada Puntland ku sheegeen inay tahay horumar la gaaray, ayna wixii hadda ka dambeeya yihiin kuwo si xorriyad ah ku kalluumeysta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya