4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Ra'iisal wasaare C/weli oo booqday degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed iyo wafdi ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta booqday degmada Buula-bure ee gobolka Hiiraan oo bishii aynu soo dhaafnay lagala wareegay xarrakada Al-shabaab.

Safarka uu ra'iisal wasaaraha ku tagay degmada Buula-bute oo ahaa mid aan horay looga soo war-qabin, ayaa waxaa HOL faah faahin ka siiyay guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maamuliyada maamulka gobolka Hiiraan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii la kulantay wafdiga uu horkacayay ra'iisal wasaare C/wali.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in mudadii koobneyd  ee uu ra'iisal wasaaruhu ku sugnaa degmada ka wada hadlleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, nabad-galyada degmada, xaalada bani'aadanimo ee ka jirta, iyo siddii deegaannada gobollka ee laga saaray Al-shabaab, gaar ahaan Buula-burte iyo Maxaas loo geyn lahaa ciidaammo booliis ah oo ka shaqeeya nabad-galyada.

''Ra'iisal wasaaraha runtii waxaa uu bogaadiyay howlgalkii lagula wareegay degmada Buula-burte, waxaan uu sheegay in xukuumada sidda ugu dhaqsiyaha badan deegaannad laga saaray Al-shabaab ee gobolka uga hergalin doonto dhamaanba adeegyada ay u baahan yihiin bulshada, waxaana uu faray wasaarrada ay arrintaa quseyso in ay si deg deg ah uga howlgallaan.

Waxaa uu intaa ku darray in uu ka tacsiyeeyay ra'iisal wasaaraha saraakiishii iyo ciidamadii ku geeriyootay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee bishii hore Al-shabaab ay ku qaadeen hoteelka Camalow ee degmada Buula-burte oo xiligaa ay ku sugnaayeen mas'uuliyiinta iyo saraakiisha maamulka.

Kulanka ayuu sheegay in ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM oo uu horkacayay Col Cismaan Dubad iyo qeybaha bulshada degmada Buula-burte.

Safarkan uu ku tagay ra'iisal wasaare C/wali degmada Buula-burte ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo mas'uul ka tirsan dowladda uu ku booqdo degmada tan iyo markii lagala wareegay Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya