4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Safarkiisii ugu Horreeyay ku tagaya Jowhar

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan magaalada Jowhar ee gobolka Shabellada Dhexe, iyadoo magaaladaas ay ka socoto qabanqaabada soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha.

Safarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay oo uu ra’iisul waasaruhu ku tago Jowhar ayaa waxaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii uu soo arki lahaa mashaariicda ay dowladda Soomaaliya ka hirgelinayo magaalada Jowhar.

Mashaariicda ay dowladdu ka waddo Jowhar ayaa waxaa ka mid ah dhismooyin loo dhisayo xarunta maamulka degmada Jowhar, saldhigga booliiska oo dayactir lagu wado, iskuul iyo isbitaal.

Wasaarada beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay iyaduna ka hirgelinaysaa Jowhar howlo isugu jira carro-tuur lagu samaynayo wabiga shabeelle iyo dayac-tir lagu samaynayo kanaallada ay burburiyeen fatahaada wabiga shabeelle.

Amniga Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ciidammo booliis ah la dhigay jidadka ku yaalla bartamaha Jowhar. Iyadoo mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada ay iyaguna qayb ka yihiin soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Degmada Jowhar oo 90-km dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho ayaa waxaa horay laba jeer u booqday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in dowladdu ay wax ka qabanayso ammaanka magaaladaas iyo sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaateysan.

Sannadkii hore ayaa waxaa tuulooyin ku dhow degmada Jowhar iyo magaalada laf-teeda ku dhuftay fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle, taasoo sababtay inay dad badan ka barakacaan deegaannadii ay ku noolaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya