4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 10, 2014
Wasiir ku xigeen sheegay inaan loo dulqaadayn Qabqabashada Soomaalida

Khamiis, Abriil 10, 2014 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Somalia, Maxamed Ismaaciil Shuuriye ayaa sheegay in dhibaatada lagu hayo Somalida ku nool magaalada Nairobi ay tahay mid aad looga xumaado, xukuumadda Soomaaliyana aysan u dulqaadanayn arrintaas.

Mudane Shuuriye ayaa xusay in ciidamada ammaanka Kenya ay shacabka Soomaalida ah beegsadaan; ayna ku ururiyaan xabsiyada iyo garoonka kubadda lagu ciyaaro ee Kasarani, halkaasoo dadka ay dhibaatooyin xooggan ku haystaan.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay magaalada Niarobi ku noolaayeen muddo 21-sano ka badan, waxayna ka sameysteen ganacsi, marka in si toos ah loo beegsado oo lagu ururiyo xabsiyada ma ahan mid ay xukuumadda Somalia u dulqaadanayso,” ayuu yir Shuuriye oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in Kenya ay xaq u leedahay inay sugto ammaankeeda, balse aan loo baahanayn in shacabka Soomaaliyeed si gaar ah loo beegsado oo hooyo Soomaaliyeed oo waayeel ah lagu eedeeyo waxaysan shuqul ku lahayn.

“Hooyo Soomaaliyeed oo waayeel ah in xabsiga la dhigo, lana yiraahdo waxaa argagaxiso ama Al-shabaab ayaa tahay amaba lagu eedeeyo wax aan la ogeyn ruuxii sameeyay waxaan u aragnaa inay tahay mid lagu bahdilayo Soomaalida, mana yeeli doonno inay sii socoto, waxaana ugu baaqaynaa dowladda Kenya inay dib uga laabato arrintaas,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir ku xigeenka.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Soomaalida doonaysa inay dib ugu soo laabtaan dalkooda ay tahay in loo maro hab dowladnimo ah, isagoo xusay in qaabka ay dowladda Kenya wax ku wado hadda uusan ahayn qaab wanaagsan, waana mid dhaawici kara buu yiri walaalnimada iyo darisnimada.

Su’aal ahayd in Kenya ay xaq u leedahay inay dalkeeda kasoo saarto dadka aan ku haysan sharciga iyo in kale, ayuu ku jawaabay: “Qaabka ay hadda Kenya u wajaday howlgallada socda ma ahan mid wanaagsan, waayo sharciga calaamka dhigi maayo in carruurta, waayeelka iyo haweenka maxaabiis laga dhigo, arrintanna ma ahan mid ay Kenya wax ku xallin karto.”

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka hadli doonto, cid Soomaali ah oo ogol in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku noolna ma jirto. Isagoo u mahadceliyay xidlhibaannada Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya oo uu sheegay inay dadaal badan sameeyeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya