4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 1 , 2014
Boqolaal qof oo lagu qab-qabtay howlgallo laga sameeyay Nairobi (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 01, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ay xalay illaa maanta ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxay ku qab-qabteen 657-qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii xalay ka dhacay magaaladaas.

Howlgallada oo ahaa kuwo saf-ballaaran ah ayaa waxay ciidamadu ku galeen guryo ku yaalla xaafaddaas oo ay Soomaalidu ku badan tahay, waxaana dadka howlgalka lagu soo qabqabtay ay u badan yihiin Soomaali.

Qaraxyadii saddexda ahaa ee xalay ka dhacay magaalada xaafadda Isliil ee Nairobi ayaa waxaa ku dhintay lix qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 25-qof oo kale, sida uu sheegay taliyaha booliiska Kenya, Benson Kibue oo warbaahinta la hadlay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka xaafadda Islii, ayna socon doonaan illaa inta laga soo qabanayo kuwa geystay qaraxyada.

“Dadka howlgallada lagu qabqabtay baaritaanno ayaa lagu sameyn doonaa ciddii aan dambi yeelan waa la sii deynayaa, balse ciddii dambi lagu helo sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,” ayuu yiri Ole Lenku.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa ka codsaday shacabka ku nool magaalada Nairobi inay ciidamada booliiska ka caawiyaan sugidda ammaanka iyo sidii lagu soo qaban lahaa cid kasta oo lagu tuhmayo inay wax u dhimeyso nabad-gelyada.

Ehellada dadkooda lagu soo qabqabtay howlgalladan oo Soomaali ah ayaa iyaguna sheegay in ciidamadu ay ugu soo dhaceen xalay gellinkii dambe guryahooda ayna kasoo kexeysteen wiilasha.

“Aniga laba wiil ayaa xabsiga iiga jira, waxaana laga soo baxsaday gurigooda, way noo diideen ciidamadu inaan aragno iyo inaan raashin u geynno intaba,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada dadkooda lagu soo qabqabtay howlgalka.

Haweeney iyaduna laga xiray dhowr wiil oo dhallinyaro ah ayaa BBC-da u sheegtay in xalay gurigooda lagu soo jabiyay ayna ciidamadu la baxeen wiilasha, waxayna ku dartay hadalkeeda in loo diiday inay raashin u geeyaan.

Goobjooge isaguna la hadlay BBC-da ayaa sheegay inuu ku sugnaa mid ka mid ah laba maqaayadood oo qaraxyada lala beegsaday, isagoo xusay in qaraxyada ay ka geysteen maqaayadda rag madow oo Kenyan ah, uuna arkay dhimashada afar qof oo ay Soomaali ku jirto.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa sannadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo iyo weerarro ay dad badan ku dhinteen, iyadoo weerarradaas qaarkood ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya