3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 6 , 2014
Diyaarad Rakaab oo Maanta Shil ku gaashay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Diyaarad rakaab oo ay lahayd shirkadda Jubba Airways ayaa maanta si lama filaan ah shil ugu gashahay garoonka diyaaradaha Aadan Caddee ee magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo ka timid magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa siday 17-qof oo rakaab ah, iyadoo aysan jirin cid wax ku noqotay shilkan, waxaana loo sababeeyay shilkeeda cilad dhinaca lugaha ah.

Howlwadeenno ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inay diyaaraddu dhulka ku dhacday, balse aysan jirin wax khasaare ah oo gaaray rakaabkii saarnaa iyo diyaaradda lafteeda.

Shilkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa shilal dhowr ah oo garoonka horay uga dhacay, iyadoo weli aysan ka hadlin shilkan diyaaradeed ee garoonka ka dhacay wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa nooceedu ahaa F50, waxayna duulimaadyo joogto ah ku tegi jirtay gobollada dalka, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin shirkadda Jubba Airways shilka ay gashay diyaaraddooda.

Maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaan isaguna weli shilkan ka hadlin, iyadoo ay tani imaanayso xilli howlaha garoonka ay si aad ah u soo kordhayeen sannadihii ugu dambeeyay, ayna kasoo dagaan maalin walba diyaarado caalami ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya 













Click here
9/6/2014 2:17 PM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dilka hoggaamiyihii Al-shabaab ay guul weyn u tahay Soomaaliya iyo caalamka, isagoo sheegay in Axmed Cabdi Ow-Maxamuud Godane uu ka mid ahaa tiirarkii colaadda Somalia iyo guud ahaan caalamka.

9/6/2014 1:42 PM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa goor dhow si rasmi ah u xaqiijisay inuu geeriyooday hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo ay u yiqiinneen Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, iyagoo xilkii uu ka banneeyay u magacaabay hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda.

9/6/2014 12:57 PM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Machadka Humphery ee Jaamacadda Minnesota ayaa shalay marti-galiyay dood cilmiyeed ku saabsan sidii ay qaaradda Afrika ku xallisan lahayd dhibaatooyinkeeda, waxaana dooda marti ku ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Ethiopia iyo midowga Africa Axmed C/salaam Xaaji Aadan.

9/6/2014 10:47 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wasaradda macdanta iyo batroolka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay shirkadaha ajnabiga ah ee doonaya inay si sharci darro ah shidaal uga baaraan deegaanno ka mid ah Soomaaliya.

9/6/2014 9:38 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Ammaanka Muqdisho iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ayaa aad ah loo adkeeyay, kaddib markii wasaarada amniga Qaranka ay soo saartay digniin ku saabsan inay dhici karto in Al-shabaab ay weerarro aar-gudaan hoggaamiyahooda la dilay soo qaadaan.

9/6/2014 8:49 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay howlo dayactir ah ku socdeen garoonka kubadda cagta degmada Kismaayo ayaa waxaa maanta booqday wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba iyo xubno ka tirsan gudiga isboortiga gobolka Jubbada Hoose.

9/6/2014 8:14 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu caalamku u arko dilka hoggaamiyaha Al-shabaab u arkaan, isla markaana la fikir yihiin beesha caalamka.

9/6/2014 8:09 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Sabtida maanta ah wacad ku maray dagaal Al-shabaab, si Kenya ay u noqoto amni, kaddib markii la xaqiijiyay dilka hoggaamiyihii Al-shabaab.

9/6/2014 7:05 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maalintii saddexaad kulammo kala duwan la leh odayaasha dhaqanka, waxayna kawada hadleeyn sidii loo mideyn lahaa fikradaha kala duwan ee ay kala wataan maamullada Koonfur-galbeed.

9/6/2014 6:32 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in maalintii labaad mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidammada midowgga Africa AMISOM ka waddaan degmada qeybta rashin gargaar ah oo ku deeqay madaxweynaha dalka Jabuuti.

9/6/2014 6:29 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay tuulooyin hoostaga degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool oo ay horay ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

9/6/2014 6:08 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhalinyarada Soomaalida ah ee ka tagaya wadamada reer –galbeedka si ay ugu biiraan kooxda ISIL ee ka dagaalamaysa gudaha wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

9/6/2014 2:12 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) —Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa ka digtey weerarro aargoosi ah oo ay suurogal tahay in Ururka Al-shabaab uusoo abaabulo, weeraradaas oo jawaab u ah dilka Axmed Cabdi Godane oo Isniintii lasoo dhaafay ku dhintay duqeyn ka dhacday gobolka Shabeelada Hoose.

9/6/2014 1:10 AM EST
Sabti, September 06, 2014 (HOL) —Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay dilka hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, oo sida la xaqiijiyey lagu diley duqeyn ay diyaaradaha Maraykanku geysteen.