Shirka dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah ee P/land oo Garoowe ka furmay
Arbaco, September 24, 2014 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay kulan ay isugu yimaadeen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Maamulka Puntland loogana arrinsan doono dib u habaynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.
Kulanka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo gacan ka heleysa Hay'adda UNDP, waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdilaahi Cumar Camay.
Mudane Camay ayaa lagama maarmaan ku tilmaamay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha dowladda si ay si habsami leh shaqooyinkooda ugu qabtaan.
"dib u habaynta shaqaalaha dowladdu waa tayayn dowladeed waana waxa aanu rabno in aan kula tartano dowladaha kale, go'aammada kasoo baxa shirkaan waxaan rajaynayaa in ay noqdaan kuwo mira dhal ah" Madaxweye Ku-xigeenka Putland ayaa sidaas yiri.
Ugu dambeyntii wuxuu agaasimeyaasha kulanka ka qayb gelaya ku boorriyey inay ka faa'iideystaan macluumaadka ay isweydaarsan doonaan muddada uu kulanku socdo, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey Hay'adda UNDP.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- Xulka Kubadda Koleyga Somalia oo markii Sadexaad looga badiyay Cayaaraha Zone-5
- Odayaal-dhaqameedyo loo diiday in ay ka Dagaan Garoonka Dhuuso-Mareeb
- Guddoomiyaha G. fulinta Ahlusunna oo raalli-gelin u diray Shirkadda Hormuud
- BRITAIN: Waa lagama maarmaan inay Somalia doorasho ka dhacdo 2016-ka
- Madaxweyne Xasan oo Wufuud Caalami ah kula Kulmay Magaalada New York
- Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Danjiraha Denmark u fadhiya dalka Kenya
- Wiil Soomaaliyeed oo u dagaalamayay ISIS oo la sheegay in lagu dilay Suuriya
- Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay dacwadii badda ee ay Somalia gudbisay
- Jen. Axmed Ciriiri oo ku Geeriyooday Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraadka
- Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kusoo laabtay kana hadlay safarkiisii
- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo wafdi ka socda QM oo booqday Buula-burte
- Madaxweynaha P/land oo mamnuucay adeegsiga hubka aan sharciyeysnayn
- MAREYKANKA: Dadka Qaba Ebola waxaa laga yaabaa inay gaaraan 1.4 Milyan
- Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galguduud
- Maamulka Puntland oo Ciidammo badan soo Dhoobay Waqooyiga Gaalkacyo
- Kooxo Hubeysan oo Haweeney 57-jir ahayd Dhaawac ugu Geystay Muqdisho
- NUSOJ oo afartan wariye tababbar uga furay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
