Bangiga Salaam Somali Bank oo Laan Cusub ka Furatay Magaalada Kismaayo
Khamiis, Sebtember 18, 2014 (HOL) :- Xaflad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayay ujeedadeedu ahayd daahfurka Laan cusub oo uu magaalada Kismaayo ka furay Bankiga Salaam Somalia bank.
Xafladii furitaakna Bankiga ayaa waxa kasoo qeybgalay Ganacsato, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay masuuliyiinta Bankiga Salaam bank.
Gudoomiyaha bankiga Salaam xaruntiisa Kismaayo Mudane Qadar Cali Xaraare oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in bankigani uu wax weyn ka tari doono baahida ay shacabka u qabeen banki Islaami ah oo laga hirgeliyo deegaanada Jubooyinka isagoo xusay in ay bulshada u hayaan adeegyo kala duwan.
Sidoo kale waxaa iyaguna ka mahadceliyay furitaanka Bankiga Salaam ee Kismaayo ganacsato iyo marti sharaftii kale ee lagu casuumay xafladda, kuwaasoo sheegay in baahi weyn loo qaban howlaha kala duwan ee uu qabto Bankiga.
Bankiga Salaam oo ah Banki Islaami ah ayaa laamo ku leh inta badan gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo bankigani ay wada shaqeyn ka dhexeeyso shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo ka warbixiyay Shirweeynaha ka socda Kismaayo
- Ruux Hubeysan oo dil iyo dhaawacyo ka Geystay maanta Magaalada Gaarisa
- Madaxweynaha Puntland oo Kulan la yeeshay Madaxa UNOPS ee Soomaaliya
- Xukuumadda Soomaaliya oo si hordhac ah u soo bandhigtay tirada guud ee Shacabka Soomaaliyeed (SAWIRRO)
- Banaanbaxyo looga soo horjeedo Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Muqdisho
- Ururada Indhoolayaasha ee Dalka ka jira oo Hal urur ku Midoobay (SAWIRRO)
- Xarunta Macluumaadka iyo Ka-hor-tagga Burcad-badeedda oo Dood Qabatay
- BALADWEYNE: Banaanbax weyn oo lagu taageeray Maamulka gobolka Hiiraan
- Shir lagu Taageerayo Ciidamada Soomaaliya oo ka furmay Magaalada London
- Guddoomiyaha gobolka Bay oo ka hadlay shirka ka socda Degmada Baydhabo
- Munaasabad Tacsi ah oo Muqdisho loogu sameeyay guddoomiyihii Hiil-Qaran
- RW C/weli oo Sheegay in Cafiskii ay Al-shabaab u Fidiyeen laga soo Jawaabay
- Askari ka mid ah ciidanka Milateriga Somaliland oo toogasho ku dilay 2 Sarkaal
- Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed oo dood-cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho
- Soomaali lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee dalka Kenya
- Shir looga Hadlayo Amniga Somalia oo Maanta ka Furmaya Magaalada London
- Scotland oo Maanta looga codeynayo inay ka go’do UK & inay kasii mid ahaato
- Ra’iisul Wasaare C/weli oo ka hadlay sababihii xilka looga qaaday Sanbalolshe