Axad, Sebtember 14, 2014 (HOL) - Shir lagu soo dhaweynayo shirka dib u heshiisiinta ee Jubbooyinka ayaa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee xaruntii hore ee Caymiska, iyadoo ay ka qeybgaleen ergooyin kala matalayay beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, ururada bulshada rayidka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba.
Madasha ayaa waxaa ka hadlay madax kala duwan, waxayna siyaabo kala duwan uga hadleen shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in 16-ka bishan u ka furmo magaalada Kismaayo, iyagoo carabka ku adkeeyay in shirka uusan dib uga dhici doonin waqtigaasi.
Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo khudbad aad u dheer ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, maamulka Jubba iyo beesha caalamkuba ay isla qaateen in shirku furmo 16-ka bishan, xilligaa oo uu xusay in uusan marnaba dib uga dhici doonin.
Madaxweeyne kuxigeenka ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan ergooyin ka kala iman doona gobollada uu ka arimiyo maamulka Jubba, isagoo ka codsaday madaxweeynaha dowladda federaalka Soomaaliya in uu kazoo qeybgalo xafladda furitaanka shirka oo uu xusay in ay dhici doonto 16-ka bishan.
Mudooyinkii u danbeeyay waxaa jirtay hadal heyn ku aadan in laga yaabo in uu dib u dhac ku yimaado shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, haseyeeshee madaxda Jubbaland ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in shirku ka dib dhaco 16-ka bisha.
Maalinta talaadada ee fooda nagu soo heeysa ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah u furmo shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo ay isugu iman doonaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha wada dega Jubbaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Kulan loogu gogol-xaarayay Shirweynaha Jubooyinka oo Kismaayo ka dhacay
More News
- Xasan Shiikh oo kormeeray dhisme ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho
- Somalia oo ka qaybgalaysa Shirka shaqaalaha Carabta ee ka furmay Qaahira
- Jawaari iyo C/weli Sheekh oo si Rasmi ah u furay Shirka Baydhabo (SAWIRRO)
- Kenya oo Sheegtay inay Dowladda Soomaaliya kala hadlayso Muranka Badda
- Col. Barre Hiiraale oo diiday ka Qayb-galka Shir-weyne ka Furmaya Kismaayo
- Madaxweynaha Liberia oo shaqada ka eriday wasiiro xukuumadeeda ka tirsan
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo tagay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
- Uganda oo sheegtay inay qabatay rag Al-sjhabaab ah oo Weerarro fulin lahaa
- Dowladda oo Amar ku bixisay inaan la Wadan karin Gaadiid Muraayado Madow
- Kulan looga hadlay ka faa’iideysiga cafiska dowladda oo Muqdisho lagu qabtay
- Nuunow oo Taageeray Shirka iyo Ra'iisul Waasaraha oo Baydhabo ku Wajahan
- Haween Soomaaliyeed oo ka sheekeeyay kufsi ay u geysteen askarta AMISOM