3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 11, 2014
Madaxweynaha Somalia oo shaaciyay inuu yahay Murashax ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo ee Sannadka 2016-ka


Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya marka la gaaro 2016-ka.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay barnaamij dood ah oo uu kaga hadlayay wixii u qabsoomay dowladda uu madaxda ka yahay labadii sano ee ay jirtay, dooddaas oo uu soo qaban-qaabiyay machadka Heritage, isagoo sidoo kalena kaga jawaabay su’aalo shacabku ay weydiinayeen kuwaasoo ku saabsanaa waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa iyo kuwa ay higsanayso.

Madaxweynaha ayaa la weydiiyay su’aal ahayd inuu mar kale xilka uu hayo isku soo sharraxayo marka la gaaro sannadka 2016-ka iyo haddii xilka looga guuleysto inuu diyaar u yahay in khibraddiisa uu ku biiriyo muwaadinka la doorto ayaa ku jawaabay.

“Haa… waxaan ahay murashax u taagan xilka madaxweynenimada sannadka 2016-ka oo ay dhici doono doorasho. Haddii doorashadaas la iiga guuleysato waxaa diyaar u ahay inaan shakhsiga la doorto ku caawiyo wixii khibrad ah.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ku celiyay inuu ka mid yahay murashaxiinta xilka isku soo taagaya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa wax laga weydiiyay kufsiga AMISOM lagu eedeeyay iyo go’aanka dowladda, isagoo kaga jawaabay innaanay taasi marnaba farxad-gelinayn, xukuumadduna ay weydiisatay AMISOM in jawaab cad ay ka bixiso falkaas lagu eedeeyay, ayna hadda socdaan baaritaanno ku saabsan arrintaas.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay bixitaanka ciidamada AMISOM oo ay horay u sheegeen madaxdooda inay baxayaan sannadka 2016-ka marka ay dalka ka dhacdo doorasho kaddib ayaa ku jawaabay.

“AMISOM mar walba dalka way ka bixi lahayd, hase ahaatee joogitaankeeda xilligan waxaa keeny duruufo xagga amniga ah iyo in Somalia ay gabbaad u noqoto argagixisada, iyadoo dalkeennuna uu noqday meel duulaanno looga qaado dalalka deriska ah, iyagoo kooxahani ay doonayaan inay baabi’iyaan taariikhda Soomaaliya iyo shacabkeeda.”

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay dowladda uu hoggaaminayo, wuxuuna muujiyay inuu rajo ka qabo in labada sano ee soo socota ay gaaraan yoolka ay doonayaan in dalka ay gaarsiiyaan; ayna howlo badan qaban doonaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inaanay marnba raali ka ahayn in si sharci-darro ah ay shirkado shisheeye ah uga sameeyaan Soomaaliya baaritaanno dhinaca shidaalka ah, isagoo xusay inaanay shirkad aan fasax u qabin inay shidaal baaris ka sameyso dalka aanay howlgeli karin.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya oo ka jawaabayay su’aal kale oo ku saabsanayd arrinta ku saabsan muranka badda, ayaa sheegay in Kenya ay qayb ka mid ah badda Soomaaliyeed calaameysatay ayna doonayso inay goosato, isagoo xusay in arrintaas ay dacwad ka gudbiyeen, wuxuuna qiray in haatan ay badda lagu muransan yahay ka socdaan baaritaanno shidaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/11/2014 4:19 PM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Sanad walba waxaa ardayda cusub ee Jaamacadda Muqdisho kusoo biiraya loo qabtaa todobaadka dhaqanka si ardayda isku bartaan una soo bandhigaan hal-abuurkooda, laguna siiyo casharo ku saabsan shuruucda Jaamacadda oo ay ku dhaqami doonaan inta ay wax ka baranayaan jaamacadda Muqdisho.

9/11/2014 2:24 PM EST
Khamiis, Sebtember 11, 2014 (HOL) :- Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo maalmihii u danbeeyay waday kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyay howshii xulista ergada ka qeybgeli doonta shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.

9/11/2014 11:07 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) —Golaha Wasiirada Puntland ayaa maanta kusoo qaaday shirkoodii todobaadlaha ahaa arrimo ay kamid yihiin ammaanka deegaanada Puntland, xaaladda abaaraha iyo weliba dib u habaynta ciidamada nabadgelyada wadooyinka.

9/11/2014 10:14 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Xisbiyadda mucaaradka ayaa maanta sheegay in ay qaadaceen diiwaangelinta madaniga ee xukuumaddu qabanaysay.

9/11/2014 10:11 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay inuu cafisyay nin 22-sano ka hor Muqdisho ku dilay gabar uu dhalay.

9/11/2014 8:25 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka hadlay shir ka dhacay magaalada, isagoo sheegey in la sameynayo shir dib u heshiisiin ah, kaasoo dhici doono 14-ka bishaan, isagoo si aad ah uga hadlay sidii la isugu keeni lahaa dhammaan dhinacyada isaga soo horjeeda maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed.

9/11/2014 8:12 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay CCD soo qaban-qaabisay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo dhalinyaro ka socday 17-ka degmo ee Muqdisho ay ka qayb-galeen.

9/11/2014 7:52 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Boqolaal ka tirsan xoogsatada dekadda Muqdisho xubinna ka ah isu-tagga urur-weynaha shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa isugu soo baxay bannaanbax ka xoogsatada dekadda Muqdisho, kuwaasoo watay boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin waa shaqeysanaaye yaan shaqo la’ aan nala dhigin.

9/11/2014 7:36 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab ayaa sheegay in xaalad nolaleed uu aad u liidata soo food saartay dadka ku dhaqan degmada oo mudo dheer aan wax gargaar ah halin.

9/11/2014 4:21 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa sheegay inuu cagta marin doono kooxda islaamiyiinta ah ee ISIS, isagoo xusay inaysan Mareykanka qorshaha ugu jhirin inuu ciidammo lugta ah geeyo dalka Ciraaq.

9/11/2014 3:55 AM EST
Khamiis, September 11, 2014 (HOL) — Degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka dhacay bannaanbixii ugu horreeyay loo looga soo horjeedo Al-shabaab, kasoo ay ka qaybgaleen dadweynaha degmadaas ku nool, saraakiisha ciidamada iyo ardayda wax ka barata dugsiyada.