Khamiis, Sebtember 11, 2014 (HOL) :- Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo maalmihii u danbeeyay waday kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyay howshii xulista ergada ka qeybgeli doonta shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka Iftiin Xasan Baasto oo u waramay shabakadda HOL ayaa sheegay in ay maanta kusoo gabagabeeyeen howshii xulidda ergada ka qeybgaleeysa shirka.
"Maanta waxaan biloownay diyaarinta ergooyinkii ka qeybgeli lahaa shirka, kulamo badan ayaan la yeelannay odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, si guul ah ayay inoogu dhamaatay, waxaana diyaarinnay ergadii ka qeybgeli lahayd shirweeynaha dib u heshiisiinta," ayuu yiri Mr. Baasto.
Masuulkan ayaa sheegay in ergada lagu soo xulay hab degmo-degmo ah, isagoo intaa ku daray in aysan jirin wax cabasho ah oo kasoo laabatay habka ay u qeybiyeen ergada ka qeybgaleeysa shirka.
Shirka dib u heshiisiinta ayaa la filayaa in uu si rasmi ah uga furmo magaalada Kismaayo 16-ka bishan, waxaana la filayaa in shirweeynahaasi lagu soo afjaro qilaafkii siyaasadeed ee ka jiray Jubooyinka, iyadoo la rajeeynayo in beelaha reer Jubbaland ee wax kala tabanaya ay isku cafiyaan islamarkaana ay si wadajir ah u dhistaan maamulkooda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Ergooyinka ka qaybgeli lahaa shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo la xulay
More News
- Jaamacada Muqdisho oo soo gunaanaday todobaadka dhaqanka Jaamacada
- Madaxweynaha Somalia oo shaaciyay inuu yahay Murashax ka qaybgalaya doorashada Madaxnimo ee Sannadka 2016-ka
- Golaha Wasiirrada Puntland oo ka shiray ammaanka iyo xaaladda abaaraha
- Labada xisbi Mucaarad oo Qaadacay Diiwaan-gelinta ay Xukuumaddu Waddo
- DANJIRE AMEERIKO: Waxaan iska cafiyay Nin 22 sano ka hor Gabar iga dilay
- Prof. Jawaari oo Sheegay in la Qabanayo Shir dib u Heshiisiineed (SAWIRRO)
- Dhallinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Dood-Cilmiyeed loo Qabtay
- Xoogsatada Dekedda weyn ee Muqdisho oo ka cabanaya shaqo la’aan haysata
- Shacabka ku nool Degmada Jalalaqsi oo Dalbanaya in Gar-gaar lala soo gaaro
- BARACK OBAMA: Waxaan naga go’an burburinta kooxda Islaamiga ah ee ISIS
- Dibadbaxii ugu horeeyay ee ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Buulo-burte