Xaflad lagu soo dhaweynayay degmada cusub ee Saaxo oo Nairobi ka dhacay


Isniin, September 01, 2014 (HOL) — Xaflad uu soo qaban-qaabiyay ururka dhallinyarada Galinsor United Youth Organization oo ahayd mid lagu soo dhaweynayay magacaabida degmada cusub ee Saaxo oo Gobalka Mudug ka tirsan ayaa ka dhacday xaafadda Eastleigh (Islii( ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay xildhibaano ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Muuse Sheekh Cumar iyo C/nadiif Muuse Nuur San-yare, kuwaasoo hadallo ay jeediyeen ugu mahad-celiyay maamul gobaleedka Puntland iyo qaabkii uu u magacaabay Saaxo oo ay ku tilmaameen inay tahay mid u qalanto inay degmo noqoto.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Puntland magacaabista degmada Saaxo, xildhibaan ahaana waxaan ku dadaali doonaa sidii lagu horumarin lahaa degmadaas, dowladda Somalia iyo maamulka Puntland oo aan wax ugu baaqayaa inay ka qayb-qataan horumarinta degmadaas,” ayuu yiri xildhibaan Muuse Sheekh Cumar.

Sidoo kale, waxaa ka qayb-galay xafladda C/shakuur Mire Aadan oo horay wasiir uga soo nqoday Puntland, isagoo tilmaamay in degmada cusub ay u baahan tahay in loo sameeyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha horumarinta;  sida goobo caafimaad, iskuullo, saldhig booliis, waddooyin iyo ceelal biyo, wuxuuna ugu baaqay maamulka Puntland inay kaalin ka qaato kor u qaadidda degmadaas.

Suldaan Axmed Xaashi Jacuur iyo Suldaan Maxamed Xassan Jabriil (Gees walac) oo ka mid ahaa salaadiintii ka hadlay madasha ayaa si isku mid ah ugu baaqay dadka kasoo jeedo degmadaas cusub inay ku dadalaan nabadda iyo horumarinta degmadooda.

Yuusuf Maxamed Waceys oo kasoo jeeda degmada cusub iyo guddoomiyaha ururka GUYO, Duraan Aadan Axmed ayaa sharraxaad ka bixiyay degmadan cusub, iyagoo sheegay in degmadan loo dhameystiri doono adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah bulshada ku nool.

Gagabadii waxaa munaasabaddan soo dhaweyn tahayd ka duceeyay Sheekh Axmed Warsame Fiqi iyo Faarax Qaasim Bursaliid. Waxaana degmadan ku dhawaaqay magacaabisteeda bishii hore maamulka Puntland iyadoo Saaxo ay 70-km dhanka waqooyi-galbeed ka xigto magaalada Gaalkacyo.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi – Kenya