Sabti, October 4, 2014 (HOL) — Maanta oo ay taariikhda Hijrigu tahay 10-ka bisha Dul Xijjah 1435, kuna beegan October 4, 2014, waxaa si weyn dunida Muslimka ah loogaga dabaal degayaa munaasabadda Ciidul-Adxa.
Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa si weyn looga ciiday.Kumanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay jidadka, waxaana salaadda Ciidka lagu oogey dhamaan masaajidda xaafadaha iyo garoonka kubadda cagta ee degmada, halkaas oo ay culimaa'uddiinka iyo maamulkuba bulshada kula hadleen.
Shaqaalaha dowladda hoose ayaa ilaa xalay ku howlanaa sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen bilicda degmada, waxayna nadifiiyeen jidadka, iyadoo amaankuna uu ahaa maanta mid si weyn loo adkeeyey.
Si taas lamid ah waxaa looga ciidey magaalooyin kale oo ay kamid yihiin: Garoowe, Qardho, Gaalkacayo, Badhan iyo qaar kamid ah degmooyinka ku yaal dhulka laamiga ka baxsan.
Dhinaca kale madaxda sare ee Puntland gaar ahaan Madaxweyne C/weli Gaas iyo ku-xigeenkiisa C/xakiim Camey ayaa bulshada ugu hanbalyeeyey faraxadda Ciidka, waxayna ilaah uga baryeen in uu sanadkan sanadkiisa xiga nabad iyo barwaaqo ku gaarsiiyo.
Madaxweynaha Puntland oo ka khudbadeeyey garoonka Mire Awaare wuxuu ku dheeraaday ammaanka iyo sida ay muhiim u tahay in dowladda iyo bulshaduba uga wada shaqeeyaan, isagoo dhanka kale hambalyo u diray ciidamada Puntland ee la wareegay fariisimihii Al-shabab ee buuraleyda Galgala.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Magaalada Boosaaso ee xarunta G. Bari oo si weyn looga ciiday(SAWIRRO)
More News
- Muuqaalka cusub ee dhismaha baarlamanka dalka oo laga dooday (SAWIRRO)
- Mustaf Dhuxulow oo la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota
- MUUN-GAAB: Wasiirada iyo Xildhibaanadu waa inay isku fidiyaan Degmooyinka
- Shirweynihii ka socday Magaalada Kismaayo oo lasoo Gunaanaday [SAWIRRO]
- Maayarka Hargeysa oo xoolo u qalay Maxaabiista ku Xiran Xabsiga Hargeysa
- Keith Ellsion oo ka hadlay Kufsigii ay AMISOM u geysatay Haween Soomaaliyeed
- Madaxweynaha Puntland oo maanta la kulmay wafdi ka socday dalka Sweden
- SHANGOLE: Al-shabaab Waxaa lagu soo Qaaday Dullaan la isku soo bahaystay
- Ciidamadii Dowladda iyo AMISOM oo dibadda uga baxay Degmada Baraawe
- Denmark oo Muwaadiniinteeda u Digtay inay Tagaan Dalal ay ku jirto Somalia
- Gaas oo sheegay in Ra’iisul Wasaare C/weli uu kusoo wajahan yahay Garoowe
- Munaasabad isugu jirtay xuska Ciida iyo xoojinta dhaqanka oo ay qabtay CCA
- Dhallinyarada ku biiraysa Al-shabaab ee ka Tagaysa Minneapolis oo Korortay
- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo gudaha u galay Degmada Baraawe
- Xubno ka tirsan Al-shabaab oo Guriceel kula dagaalamayay Ciidanka Ahlusuna
- Danjire Max'ed Cismaan oo ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Britain
- AX'ED MADOOBE: 48-saac gudahood Jubooyinka howlgal ayaa ka billaabanaya
- Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo qarka u saaran Degmada Baraawe




