4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Duqa Beledweyne oo ka warbixiyay xaaladda dadkii ka barakacay fatahaadda


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Duqa magaalada Beledweyne, Cumar Baadiyoow oo la hadllay HOL ayaa sheegay in ka maamul degmo ahaan xoog badan iyo juhdi galiyeen siddii loo gargaari lahaa dadkii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhuftay qaar ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne.

Cumar Baadiyoow ayaa ku  sheegay dhibaatada ugu weyn ee soo food saartay dadka barakacayaasha ah biyo la'aan madaama ay deegaan ka dhigteen meel cidllo ah oo aan wax biyo ah laheyn kulul darranna uu ka jiro.

“Tallaabadii ugu horeysan oo aan qaadnay waxaa ay aheyd in aan dadkaas biyo dhaamin u sameyno, hadda ka maamul ahaan waxaan ku wareejinay hay’adda DRC oo halkaa sii waddi doonta biyo dhaaminta,’’ ayuu yiri Cumar Baadiyoow duqa magaalada Beleweyne.

Boqolaal qoysas ah oo isaga barakacay xaafaddihii dadka ku dhufteen ayaa deegaan ka dhigtay dulleedka magaalada Beledweyne oo ay ka sameysteen guryo macmal ah oo aan awood badan laheyn.

Duqa magaalada Beledweyne ayaa maalmihii ugu danbeeyayba siweyn ugu howlanaa wax ka qabashada xaalada adag ee dhinaca nolasha ee soo food saaray dadka ka barakacay fatahaada, waxaana in badan la arkayay isaga ku howlan arrinta biyo dhaaminta ee dadka loo sameynayo.

Inkastoo wali biyuhu dhax ceegaagaan xaafaddihii ay ku soo rogmadeen, ayaa haddana waxaa jirta rajo wanaagsan kaddib markii hoos dhac laga dareemay meelaha qaar wabiga shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya