4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Minneapolis oo lagu qabtay kulan looga hadlayay Nabad-galyada iyo Horumarinta Xaafadaha Magaaladaas (SAWIRRO)


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay xaaladda amni ee xaafadaha Somalidu ka dagan yihiin Minneapolis ayaa xalay lagu qaybtay xarunta Breint Cole Ctr, iyadoo kulanka ay kasoo qayb-galeen duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges iyo taliyaha booliiska Minneapolis, Janee Harteau, iyadoo dadweynihii kulanka kasoo qayb-galay ay weydiiyeen mas’uuliyiintan su’aalo la xariira amniga iyo horumarinta xaafadaha; waxayna su’aalahaas ka siiyeen shacabka jawaabo ay ku qanceen.

Cabdiraxmaan Muuse oo ah sarkaal ka shaqeeya xafiiska duqa magaalada ayaa u sheegay HOL in kulankaani uu ahaa mid looga dooday waxyaabaha ay shacabka deggen xaafadaha dalbanayeen nooc walba oo ay yihiin; kuwaasoo u badnaa Somali, iyadoo ugu dambeyn ay isku afgarteen shacabkii iyo madaxdii kulanka joogay dhammaan waxyaabihii ay kawada hadleen.

Su’aalahii ay shacabku soo jeediyeen ayaa waxay u badnaayeen arrimaha dhallinyarada, nabadgalyada, caga-juglaynta ay kala kulmaan booliiska, dilalka loo geysto dhallinyarada Soomaaliyeed oo aanay jirin cid illaa hadda loosoo qabtay, horumarinta iskuullada iyo la xisaabtanka booliiska.

Waxaa xusid mudan in su’aal uu madaxa isu-taga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota, Maxamud Nuur aheed weydiiyay ay ahayd inay dhowr jeer dhacday in dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan gaarin da’da 18-ka ay iyagoo waalidiintu ogeyn booliisku ugu yimaadaan iskuulka ayna ka kexeystaan iyadoo la ogyahay in sharcigu yahay in waalidiinta la ogeysiiso intaan goobta waxbarashada loogu tegin. Duqa Minneapolis oo arrintaas ka jawaabaysay ayaa ballanqaadday inay wax ka qaban doonto.

C/raxmaan Mukhtaar oo deggen xaafadda isla markaana ka shaqeeya isku-xirka bulshada iyo arrimaha dhallinyarada ayaa isaguna sheegay in xariirka hay’adaha amniga iyo jaaliyadda uu aad u fiican yahay illaa markii ay ka hawl-galeen xaafadda, isagoo xusay in dambiyadii dhacay ay aad hoos ugu dhigeen dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka tirsan booliiska Minneapolis.

Sidoo kale, duqa magaalada Minneapolis, Betsy Hodges ayaa dadkii halkaas yimid; gaar ahaan Soomaalida u sheegatay inay horay u ballan-qaaday 100-ka casho ee ee xafiiskeeda u haraysan ay wax ka qaban doonto arrimaha dadweynaha ka soo jeeda Bariga Afrika; iyadoo shaqaaleysiisay C/raxmaan Muuse oo kala-taliya dhammaan arrimaha ama baahi-yaha ay qabaan jaaliyadda magaalada ku nool, waana danaynaynaa isku soo dhaweyn dhex-marta jaaliyadaha.

Haweenayda kale ee iyana ah mas’uulka ugu sarreeya booliiska Minneapolis, Cheif Janee Harteau ayaa xustay inay ku faraxsan tahay ka mid ahaanshaha ciidamada booliiska ay ka mid yihiin dhallinyarada kasoo jeeda Soomaaliya oo ay ku sheegtay inay yihiin kuwo aad u fir-fircoon, mid ka mid ahna uu u dalacay hadda sarkaal sare.

Ugu dambeyn, haweeneydan ayaa Soomaalida ugu baaqday inay iyaguna ka mid noqdaan ciidamada ammaanka ee Minneapolis; soona buuxiyaan shaqooyinka bannaan.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA