4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Xukuumada oo sheegtay in Finland ay Hirgelinayso Mashaariic horumarineed


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somalia Mahad Maxamed Salaad oo maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay kaddib safar uu ku tagay dalka Finland ayaa sheegay inay heshiis kula soo galeen dowladda Finland mashaariic fara badan oo ay dalka ka fulin doonto.

Shir jaraa’id oo uu wasiir ku xigeenku ku qabtay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa xusay in dowladda Finland uu kala hadlay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku xiran loo sii dayn lahaa, isla markaana loo joojin lahaa in laga soo musaafuriyo Somalida, iyadoo la tixgelinayo siyaasadda iyo sharciga arrimahaas uga degsan dowladda Soomaaliya iyo caalamka.

Wasiir ku-xigeenka ayaa intaas ku daray inuu kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ku jiray wasiirka arrimaha dibadda dowladda Finland, Erkki Tuamioja iyo hay’adda horumarinta Finland, kuwaasoo uu kala hadlay inay Soomaaliya ka fuliyaan mashaariic horumarineed, kuwaasoo la gaarsiin doono waddanka oo dhan.

Ugu dambeyn, Mahad Salaad ayaa sheegay in xukuumadda Finland uu kala hadlay fulinta mashruuc dhaqan-celin iyo shaqo-abuurka dhallinyarada ka soo goostay Al-shabaab iyo tababaridda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed si ay kaalin muuqata ugu yeeshaan xal u helidda mashaakilka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya