4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Ergada shirka Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo shir-gudoon doortay


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Shirka maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol ayaa doortay shir-guddoon shalay, iyadoo ay isku soo taageen xilkan toban xubnood, balse tanaasulaad ay xubnuhu sameeyeen kaddib ayaa waxaa tartanka isugu soo haray saddex xubnood oo keliya.

Xubnaha isku taagay tartanka ayaa waxay kala ahaayeen; Sh. Xasan Ibraahim (Lug-buur), Cali Garruun iyo Aadan Cabdi Qooqane, waxaana u codeeyay 360 ergo oo kulanka goob-joog ka ahaa.

Tartanka qaybtiisii hore ayaa waxaa kusoo baxay kuna guuleystay shir-guddoonka, Sheekh Xasan Ibraahim (Lug-buur) oo helay in ka badan 330 cod, waxaana ku xigay Cali Garuun oo helay 12 cod, halka uu Aadan Qooqane helay laba cod oo keliya.

Maanta oo Jimco ah ayaanu jirin wax shir ah, iyadoo lagu wado in berri oo Sabti ah ay ergooyinku doortaan laba guddoomiye ku xigeen oo uu shir-guddoonku yeelanayo.

Sidoo kale, ergooyinka ayaa shalay loo qaybiyay dastuurka uu ku dhaqmi doono dastuurka uu maamulka saddexda gobol ku dhaqmi doono, iyadoo xubnaha ergooyinka ah ay ka doodi doonaan maalamaha soo socda, isla markaana ay cod u qaadi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in maamulka saddexda gobol uu noqon doono mid ay ku mideysan yihiin shacabka ku nool gobollada uu ka talin doono oo kala ah; Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed oo isaguna xarun ku leh degmada Baydhabo ayay mas’uuliyiintiisu sheegeen inaysan marna aqbali doonin maamulka saddexda gobol ee lagu dhisayo Baydhabo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya