4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geeridii Taliyihii Booliska Somalia


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali  Gaas oo ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa tacsi ka diray geerida ku timid taliyihii hore ee  ciidamada booliska Soomaliyeed Jen. Maxamed Xasan Ismaaciil oo ku dhintay magaalada Muqdisho.

“Waxaan aniga oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Puntland-ba tacsi u dirayaa ehelada uu ka geeriyooday General Maxamed “ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo war-kooban sii yay warbaahinta gudaha.

Dowladda Somaliya ayaa ilaa iyo 40 ruux oo ay ku jiraan dhaqaatiir u  xirtay geerida ku timid General Maxamed ,kaasi oo maanta loo qaaday magaalada Nairobi si baaritaan dhab ah loogu sameeyo sababaha keenay geeridiisa.

“Si lamid ah waxaan tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ciidamada booliska iyo shaqaalaha xafiiska uu marxuumkan ka geeriyooday “ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha oo xusay in geeridu ay  xaq tahay.

Ugu dambeyntii ra’iisul waasaraha Somalia, Cabdi-wali Sheekh Axmed ayaa sii-hayaha taliyaha ciidanka booliska u magacaabay  Cusman Cumar Wehliye oo horey u ahaa ku xigeenkii General Maxamed Xasan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]