4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Dhallinyaro lala Xiriirinayo Al-shabaab oo lagu Qab-qabtay Magaalada Jowhar

Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay xalay degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ku qabqabteen 40 ruux oo dhallinyaro ah, kuwaasoo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada booliiska Jowhar ayaa Radio Kulmiye u sheegay in dadka lasoo qabtay la kala saaray, isla markaana lagu hayo xabsiga dhexe ee Jowhar si baaris loogu sameeyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadkan lasii daayay kaddib markii baaritaanno lagu sameeyay, balse kuwa weli ku harsan xabsiga baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo.

Degmada Jowhar ayaa ka mid ah degmooyinka ay dowladda Soomaaliya ku hayso gacanta, inkastoo degmadaas ay tahay mi deggen, balse ay mararka qaarkood ka dhacaan falal kala duwan oo ay qaraxyo ku jiraan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baaritaanka dhallinyaradan lagu qabtay uu ka dhacay xaafadaha degmadaas ay ka kooban tahay, iyadoo dhallinyarada laga soo saaray guryahooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya