4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 31, 2014
Dad loo Xiray Geeridii Taliyihii Booliiska iyo Maydkiisa oo Nairobi loo Qaaday


Jimco, Oktoobar 31, 2014 (HOL) — Illaa 40 qof oo dhakhaatiir ay ku jiraan ayaa loo xir-xiray geeridii taliyihii hore ee ciidamada booliiska Soomaaliya oo shalay geeri deg-deg ah ay ku timid, iyadoo manta maydkiisa loo qaaday Nairobi si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.

Dadka loo xirxiray geerida taliyahan ayaa waxay isugu jiraan shaqaalihii isbitaalkii uu ku dhigay oo ay ku jiraan laba dhakhtar iyo sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalihii iyo sidoo kale shaqaalaha baarkii uu inta badan tegi jiray.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shalay uu u saaray ra’iisul wasaaraha ayaa weli baaritaan kuwada sababaha keenay geerida taliyihii hore, iyadoo isla maanta loo qaaday magaalada Nairobi si baaritaanno kale loogu sameeyo.

Taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya, Maxamed Xasan Ismaaciil ayaa si lama filaan ah shalay naqasku ku qabtay, isagoo ku dhintay isbitaal ku yaalla degmada Shibbis ee gobolka Banaadir.

Maydka taliyaha ayaa xalay iyo saakay waxaa baaritaanno kala duwan looga sameeyay isbitaalka Difgeer oo ay dhawaan dhistay Turkiga iyo sidoo kale waxaa saakay baaritaan kale looga sameeyay isbitaalka AMISOM ee Xalane, balse weli lama sheegin natiijada ka soo baxday baaritaannadan.

Lama oga illaa hadda sababta uu u geeriday, wuxuuna noqonayaa mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo baaritaan intaan le’eg lagu sameeyo geeridiisa, balse lama oga inta uu baaritaankan dhammaanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya