4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Macallin shahaadada PhD-ga ku helay daraasad uu ku sameeyay D. Quraanka


oobar 30, 2014 (HOL) — Dr. Shide Cali Kabe oo ka mid ah macalimiinta Jaamacadda Muqdisho ayaa ku guuleystay inuu jaamacadda umu-durmaan islaamiyah ee dalka Sudan ka qaato shahaadada PhD oo ah tan ugu sarreysa waxbarashada sare.

Daraasadda uu ku qaatay shahaadadan sare ayaa ahayd mid ku saabsanayd tababarka maclimiinta dugsiyada Qur’aanka kariimka ee Somalia, isagoo ku sheegay gunaanadka daraasaddiisa qorshe u dajinta ku saabsan tababarka maclimiinta dusgiyada Qur’aanka Kariimka, si loo gaarana wuxuu isticmaalay cilmi-baaraha ku aaddan manhaj tilmaamaya daraasad waaqic ah si arrintan loo adeegsan karo, isagoo aruuriyay macluumaadka ku saaabsan tirikoobka macalimiinta dugsiyada Qur’aanka Somalia.

Waxyabaha ugu muhiimsan ee daraasada lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:

1. Hormarinta dugsiyada Qur’aanka iyo macallimiinta iyo guulaha waxbarista inay ku qotonto tababarka macallimiinta .

2. Maclimiinta Qur’aanka inta badan shahaaado jaamacadeed ma lahan, taas oo ah midda sababtay in cilmi-baaruhu uu soo jeediyay abuuridda machad u qaas ah tarbiyadda macallimiintan.

3. In xoogga la saaaro aqoon cilmiyeedyo kala duwan, taasoo keeni karta in ay daboosho dhibaatooyinka aqooneed ee macalimiinta.

4. Waxaa badan in macllimiinta Qur’aanka ee ka baxay jaamacadaha ee ay isaga tagaan dugsiyada

5. Fahamka qaabkii waxbaridda ee uu adeegsan jiray Nabi Muxamed C.S.W, taasoo gacan wayn ka geysanaysa wax baridda wanagsan ee Qur’aanka.

Ugu danbeyn, daraasaddu waxay tilmaantay in daraasaddan lagu sameeyo cilmi-baaris qoto-dheer, si loo hagaajiyo manhajka wax-barida dugsiyada Qur’aanka Kariimka ee dalkeenna.

Markii la qiimeeyay daraasaddan waxay muteysatay in ardayga sameeyay Dr Shide Cali Kabe uu ku hello darajada sare. Waxaan Shide Cali hambalyo ku aaddan daraasadda uu sameeyay u jeediyay macallimiinta jaamacadda uu ka qaatay shahaadada PhD-ga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya