4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Wasaarada A. Gudaha Puntland oo Amartay in la Qaato Kaararka Aqoonsiga

Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in la qaato kaararka aqoonsiga ,isla markaana cid aan haysan kaaarkaas aan la sin karin kaarka ku hadalka ee laga iibsado shirkadaha isgaarsiinta ee ku yaalla gobolka oo dhan.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa ku amartay shacabka Puntland in ay wada qaataan kaararka aqoonsiga,waxaana taas lagu cadeeyay digreeto ka soo baxday wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Puntland.

”Waxa laga codsanayaa mas’uuliyiinta ay warqadani ku socoto sida shirkadaha xawilaadaha, kuwa taleefoonadda iyo laamaha amniga gaar ahaan laanta socdaalka iyo CID-da in cid aan haysan warqadda aqoonsiga ID-Cardka aan la siin karin, kaararka ku hadalka Taleefoonadda (Sim-Card) iyo lacagaha la isku soo diro ” ayaa lagu yiri warka so baxay wasaaradda.

Shirkadda PII tech LLC ayaa loo xilsaaray samaynta kaararkan ,waxaana wasaaradda arimaha gudaha ay ugu baaqday maamulada gobollada iyo degmooyinka Puntland in arintan ay dhaqan-galiyaan sida ugu haboon.

Ugu dambayntii maamulka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo lagu hormarinayo amniga Garowe ee caasimadda Puntland ,waxaana howl-gallo ay ciidamadu fuliyeen lagu soo qab-qabtay dhalinayaro siyaabo kala duwan looga shakiyay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]