4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Khilaafka Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo xeer Ilaaliyaha oo xoogeystay


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Khilaafka u dhexeeya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa cirka isku sii shareeraya, iyagoo maanta ay labadan mas’uul warbaahinta isku mariyeen hadallu u muuqday inay isku eedeynayaan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-Xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee dalka uusan sharci u lahayn inuu madaxweynaha talo ku siiyo inuu xilalka ka qaado garsoorayaal shaqeynaya.

“Xeer ilaaliyaha oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xilka ka qaaday 21 garsoore, innaga ayaana horay madaxweynaha ugu gudbinnay garsoorayaashan jawaab ayaana ka sugaynay, marka warqadda uu xeer ilaaliyuhu u qoray madaxweynaha waa mid khalad ah, waayo innaga oo guddiga adeegga garsoorka ah ayay ahayd in wax nalaga waydiiyo. Waa arrin aan innagu shaqo ku leh, dastuurka dalkana kuma jirto wax la yiraahdo xeer ilaaliye ee waxaa noogu jira garyaqaanka guud ee dalka,” ayuu yiri Avv. Ilko-Xanaf.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in xeerkii hore la bedelo marka hore, la iskuna bedelo xeer ilaaliyaha iyo garyaqaanka guud; waase wax lala yaabo buu yiri in in xeer ilaaliye aan dastuurka noogu jirin uu sidaas yiraahdo.

“Marka Annagu waxaan leennahay madaxweyne talo-soo-jeedinta arrimaha garsoorka dalka waxaa iska leh golaha adeegga dastuurka dalka, waxaana noo ogolaanaya qodobka 90-aad ee dastuurka, wuxuu leeyahay wuxuu soo magacaabi karaa madaxweynuhu garsoorayaasha kaddib soo jeedinta golaha adeegga garsoorka,” ayuu Avv. Ilko-xanaf ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Avv. Caydiid Ilko-xanaf ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynuhu uu soo magacaabi karo garsoorayaal marka uu soo jeedin ka helo adeegga golaha adeegga garsoorka dalka, wixii aan taas ahaynna ma ahan sharci. Waayo innagu waxaan nahay dowlad baan nahay waana in sharciga aan dhowrno.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud Dr. Axmed Cali Daahir oo isna wareysi siinayay VAO-da ayaa sheegay in wareegtada madaxweynaha ay tahay mid sharciga dalka waafaqsan, sidoo kalena uusan sharcigan saameynay 21-ka garsoore ee shaqada laga joojiyay, balse ay saameyn doonaan cid walba oo intaas la mid ah.

Xeer ilaaliyaha oo la weydiiyay in guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Avv. Ilko-xanaf uu sheegay inaanu xeer ilaaliyuhu awood u lahayn talo-soo-jeedinta xil ka qaadista garsoorayaasha, isagoo ku jawaabay in hadalka la iska dhihi karo, balse shaqada xafiiskiisa ay tahay ilaalinta shuruucda kala duwan ee dalka, xaqna uu u leeyahay soo-jeedinta wax walba oo sharciga ka horimaanaya.

“Wax walba oo sharciga ka horimaanaya, xafiiskaygu wuxuu xaq u leeyahay inuu talo kasoo jeediyo, waayo waa mid ka shaqeeya ilaalinta sharciga ee hay’adaha dowliga ah, awood ayuuna u leeyahay inuu talo ka jeediyo wixii sharci-darro ah ee uu arko,” ayuu hadalkiisa ku daray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maadaama garsoorayaashaas ay sharci-darro ku shaqeynayeen ay talo arrintaas ku saabsan u jeediyeen madaxa ugu sarreeya dalka, balse diidmada iyo ogolaashaha soo jeedintooda ay iska leedahay hay’adda ay u jeediyeen, madaxweynuhuna wuu aqbalay in xilalka laga joojiyo.

Khilaafka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa dibadda u soo baxay markii xeer ilaaiyuhu uu dhawaan Muqdisho uga dhawaaqay in la kala diray guddigii adeegga garsoorka dalka, taasoo ka careysiisay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya