4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Taliyihii Booliiska Soomaaliya oo Geeriyooday iyo Guddi Baaris oo la magacaabay


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Waxaa isbitaalka Ummadda ee Muqdisho goor-dhow ku geeriyooday taliyihii booliiska Soomaaliya, Jen Maxamed Xasan Ismaaciil, iyadoo loo magacaabay guddi waasiirro ah oo baaris kusoo sameeya geeridiisa oo ahayd mid kadis ah.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha uu wadnaha istaagay, balse si dhab looma oga sababta ka dambeysa geeridiisa, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu jiro khilaaf xooggan oo madaxda dalka u dhexeeya, kaasoo ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada.

Taliyaha ayaa horay looga soo masaafuriyey dalka Kanada,  dacwado la xiriira jirdil uu geystay intii ay jirtay dowladdii dhexe ee uu ka tirsanaa.

Ra'iisul waasaraha Somalia C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii booliiska Somalia, iyadoo la sheegayo in maalinta berry ah lagu aasi doono isla magaalada Muqdisho.

“Qof kasta wuxuu dhimanayaa, geeriduna waa xaq, anigoo ku hadlaya magacayga kan xukuumadda iyo tan shacabka Soomaaliyeed waxaan Alle uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil oo ahaa taliyihii ciidamadda booliska Somalia, isla markaana qayb libaax kasoo qaatay dhismaha iyo qalabeynta ciidanka booliska,” ayuu yiri C/weli Sheekh

Sidoo kale. ra’iisul wasaaraha ayaa magacaabay guddiga wasiirro ah oo ka kooban shan oo beeritaan kusoo sameeya geerida kadiska ah ee ku timid taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu tacsi u dirayo saraakiisha, saraakiil xigeenka, alif-leyda, dableyda booliiska iyo intii asxaabta la ahayd taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xusay inay Alle uga rajeynayaan inuu Eebbe u naxariisto.

Geerida Jen. Maxamed Xasan Ismaciil ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii kacaanka, waxaana sannadkan si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha booliiska Soomaaliya, isagoo xilka kala wareegay taliyihii ka horreeyay, Jen. C/xakiin Daahir Siciid Saacid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya