4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Somaliland oo gobolka Sool ka billaabaysa sahanka biyaha la cabo+SAWIRRO


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa sheegay inay billaabayaan sahamin balaadhan oo biyo looga baadi-goobayo gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood.

Xuseen oo safar ku yimid Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool ayaa ku tilmaamay baahida biyood ee ka jirta gobolka inay tahay mid aad u weyn, isagoo xusay inay go’aansadeen inay  dhaqaale ku bixiyaan sidii biyo loogu heli lahaa bulshada gobolka.

Wasiir oo ka hadlayay kulan lagu qabtay Hotel Mustaqbal oo lagu daah-furayey sahaminta biyaha gobolka Sool, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin, waxgarad, cuqaal iyo madaxdhaqameed ayaa waxaa ka hadlay wasiiru duulaha horumarinta gobolada Bari Cali Maxamuud Axmed "Cali Sandule" oo muddo bil ku dhow ku sugnaa Laascaanood, wuxuuna sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay mashaariic maamulkiisu ugu talo-gashay gobolka.

Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku cel-celiyay in haddii biyo lasoo saarayo ay tahay wax loo baahan yahay; balse sahahamin ay waqtiyo badan arkeen oo aanay waxba ka bedeli doonin.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka mid maamul-kana mid. Bulshada waxaa looga baahan yahay inta hawshaas wixii looga baahdo ay gacan ka geystaan, maamulkana waxaa looga baahan yahay inay biyo soo saaraan.

Boqolaal jeer ayaa sahan lagu sameeyay gobolka Sool, kuwaasoo intooda badan ahaa kuwo lagu raadinayay biyo, waxayna soo billowdeen sannadihii kontomeeyadii; sida muuqaatana meelaha qaarkood raadadkoodii iyo agab-yadii loo adeegsaday ayaa weli lagu arki karayaa.

Shirkad ay leeyihiin ganacsato reer Sool ayaa sahamintii u dambaysay samaysay sanadkii lasoo dhaafay, waxayna awood u waayeen inay soo saaraan biyo, walow ay ceelal badan ay ka qodeen dacallada magaalada Laascaanood, haddana waxay quuddarreynayaan sida ka muuqatay goobta kulanka in mashruuca loo dhiibo, maadaama ay kharsh badan galeen wax yarna ay u harsan tahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool