4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Dowladda Imaaraadka oo ka digaysa Xiriir dhex-mara Daacish iyo Al-shabaab


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, Sheekh Cabdullaahi bin Zayed Al-Nahyan ayaa ka digay xiriir dhex-mara kooxda Daacish – ISIS iyo Xarakada Alshabaab ee Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago xiriir dhexmara labadan kooxood.

Wakaaladda AP ayaa qoray in ururka ISIS oo maamula dhul ballaaran oo ku kala yaal Ciraq iyo Suuriya iyo Al-shabaab inay isaga mid yihiin inay xiriir la leeyihiin Al-qaacida iyo sidoo kale qaraxyada loo adeegsado gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qaraxa, is-qarxinta iyo weerarada dadka rayidka ah lala beegsado.

“Runtii cabsi weyn ayay nagu haysaa xiriir dhexmara mustaqbalka Daacish iyo Al-shabaab, taasoo caqabad weyn ku noqon karta dalal badan oo Afrika iyo Jasiiradda Carabta ku yaalla,” ayuu yiri Sheekh Cabdullaahi oo hadal ka jeedinayay shirweynaha ka-hortagida burcadbadeedda oo ka socda Abu-Dubai.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in labadan urur uu xiriir dhex-mari karo, inkastoo haatan ay si kala gooni-gooni ah u shaqeeyaan, isagoo xusay inay dhici karo haddii uu xiriir dhexmaro inay dhibaatooyinkooda ku baahiyaan dalal badan oo Afrika iyo Bariga dhexe ku yaalla.

“Waa inaan muujinnaa sida aan diyaarka ugu nahay ka hor-tagga arrintaas; haddiiba ay dhacdo. Waana inaan hor-joosanno in xiriirka noocaas oo kale ah uu dhaco,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Sheekh Cabdallaahi ayaan xusay inay jiraan arrimo xiriirkaas inuu dhici karo tilmaamaya, ayna imaan karto in Al-shabaab iyo Daacish uu dhexmaro inay isku bahaystaan dagaallada ay haatan wadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya