4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Abu-Dhabi


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Abu-Dhabi ee waddanka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo garoonka diyaaraha ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka, madaxda safaaradeena iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Xasan Sheekh ayaa kulammo kala duwan la qaadan doona mas’uuliin ka tirsan Imaaraadka oo xiriir saaxiibtinimo uu kala dhexeeyo Soomaaliya, iyagoo ka hadlaya sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada amniga iyo horumarinta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kaga qaybgalaya dalka Imaaraadka shir looga hadlayo burcadbadeedda, iyadoo inta ay dalkaas ku sugan yihiin kulamo la yeelan doona mas’uuliyiinta dalkaas.

Qodobbada ay mas’uuliyiinta dowladda Somalia kala hadli doonaan madaxda Imaaraadka ayaa waxaa ka mid ah sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa goobaha ay abaaruhu ka jiraan ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa howlo isugu jira gargaar iyo horumarin ka wada qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo sidoo kale warar shalay kasoo baxay ilo wareedyo kala duwan ay sheegayaan inuu baaqday shir ay Dubai ku yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Booqashada madaxweyne Xasan Shiikh uu ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf sii xoogeysanaya oo kala dhexeeya ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, iyadoo safarkanna uu noqonayo kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu khilaafkan soo if-baxay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya