4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
BAYLE: Khilaafka Madaxda dalka wuxuu saameyn karaa Horumarkii la Gaaray


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xasan Sh. Maxamuud iyo C/weli Sh. Axmed uu caqabad ku noqon karo dowladnimada iyo horumarka la gaarsiiyo Soomaaliya.

Bayle oo ku sugan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa wareysi VOA-da uu siiyay ku sheegay in khilaafka madaxda dalka ku dhex jira uu dhib ku keeni karo horumarka dowladda.

“Khilaafka u dhexeeya madaxda dalka wuxuu saameyn ku yeelan karaa wixii ay dowladdu horay u qabatay, Beesha Caalamka ayaana hadda isku dayaysa inay xal u hesho khilaafkan, waana la soo afjari doonaa,” ayuu yiri Bayle.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xusay in la doonayo in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, isagoo intaa ku daray in haddii uu sii socdo khilaafka siyaasadeed ay dhici karto in doorasho laga siin waayo dalka.

Madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa ayaa khilaafkooda wuxuu si buuxda dibadda ugu soo baxay horraantii toddobaadkan, kaddib markii uu ku sameeyay ra’iisul wasaaruhu isku shaandheyn kooban golihiisa wasiirrada taasoo uu ka biyo-diidday madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Somalia ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu dhawaan Muqdisho ka sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in khilaafkan u dhexeeya madaxda dalka lagu xallin doono hab dastuuri ah, ayna Somalia u dhan yihiin hay’adaha dastuuriga ah oo xal ka gaari kara khilaafyadan sidan oo kale ah.

Isku-dayo badan oo lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa ayaa lagu guul-darreystay, iyadoo mas’uul walba uu ku adkeysanayo go’aankiisa ku aaddan khilaafka u dhexeeya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya