4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 30, 2014
Badmaaxiin sanado afduub loogu haystay Soomaaliya oo Muqdisho la keenay


Khamiiis, Oktoobar 30, 2014 (HOL) — Toddoba badmaax oo dalka Hindiya u dhashay oo muddo afar sano ahna afduub ahaan loogu haystay deegaanno ka tirsan magaalada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa goor-dhow lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Badmaaxiintan ayaa tan iyo markii la afduubtay waxaa gacanta ku hayay burcadbadeedda Somalia , iyadoo sii dayntooda ay qayb ka qaateen xubno ka tirsan maamullada gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha degmada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa laga soo duuliyay badmaaxiintan, halkaasoo shalay lasoo gaarsiiyay, iyadoo aan la ogeyn in kooxihii haystay la siiyay madaxfursho iyo in kale.

Sidoo kale, badmaaxiintan ayaa lagu wadaa in dalkooda loo dhoofiyo, iyadoo sii dayntooda ay imaanayso xilli Qaramada Midoobay ay sheeegtay in dadaal dheer lagu bixiyo sidii lagu sii dayn lahaa badmaaxiin lagu hayso Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaaradda kasoo qaadday badmaaxiintan degmada Dhuuso-mareeb ay ka direen Muqdisho, taasoo qayb ka ah sida ay sheegtay dadaallada lagu doonay in lagu sii daayo la-haystayaasha lagu hayso Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya