4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Guy Scott Madaxweyne ka noqday Zambia kadib geeridii Madaxweynihii hore


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Gay Scott ayaa loo magacaabay inuu madaxweyne KMG ah ka noqdo dalka Zambia, isgoo noqonaya ruuxii ugu horreeyay oo Caddaan ah oo madaxweyne ka noqda dalkaas tan iyo markii uu dhammaaday xukunkii midab-kala-sooca ahaa ee Koonfur Afrika 1994-kii.

Scott oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii dalka Zambia ayaa muddo saddex bilood ah xilka haynaya, kaddib markii gellinkii dambe ee Talaadadii shalay uu madaxweynihii hore ee dalkaas Michael Sata ugu geeriyooday Britain.

Dhismashada madaxweynihii hore ee dalka Zambia oo 77-jir ahaa ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Arbacada maanta ah, kaddib markii uu muddo bilooyin ah xanuunsanaa, illaa haddana lama oga sida uu u geeriyooday.

Wasiirka gaashaandhigga waddanka Zambia, Edgar Lungu ayaa sheegay in doorashada madaxweynenimada dalkaas la qaban doono muddo sagaashan maalmood gudahood ah, inta ka horreysana uu xilka haynayo madaxweyne ku Scott oo kasoo jeeda dalka Scotland.

Sharciga Zambia ayaa ogol in ruuxa noqonaya madaxweynaha dalkaas ay waalidiintiis ku dhasheen gudaha dalkaas, taasoo aan u ogolaanayn Scott inuu madaxweyne dalkaas ka noqdo doorashada soo socoda, maadaama ay waalidiintiis Scotland ku dhasheen.

Geerida madaxweynihii hore ee dalka Zambia ayaa imaanaysa dhowr casho kaddib markii dadweynaha dalkaas ay u dabaal-dageen 50-guuradii kasoo wareegtay madax-bannaanida dalkaas.

Michael Sata ayaa ah madaxeynihii labaad oo isagoo talada dalkaas haya ay geeridu ku timid, iyadoo sannadkii 2008-dii uu sidan oo kale xanuun ugu geeriyooday madaxweynihii hore ee dalkaasi, Levy Mwanawasa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya