4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Danjire Ameeriko oo ka hadlay deeq waxbarasho oo la siiyay Arday Somali ah


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Safiirka Somalia ee dalka Kenya, danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in 26-arday oo ka baxay dugsiyada xeryaha Qaxootiga Dhadhaab-Kenya ay deeq-waxbarasho ka hellaan Midowga Yurub, taas oo dhiirri-gelin u noqonaysa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku koray xeryaha Dhadhaab.

Danjire Ameeriko oo goobjoog ka ahaa munaasabaddii 26-kan arday oo wiilal iyo gabdho isugu jiray lagu guddoonsiinayay deeqda waxbarasho ayaa sheegay inay muhiim u tahay dhismaha mustaqbalka kumannaan qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ah.

”Maanta waxaa sharaf ii ahayd inaan ka goobjoog ka noqdo xaflad deeq waxabrasho lagu guddoonsiinayo 26 arday Soomaaliyeed ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, taasoo uu ku deeqay Midowga Yurub, waxna ka bedeli doonta aqoonstooda iyo mustaq-balkooda,” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay inay ardaydan wax ka baran doonaan Jaamacadda Mount Kenya ee magaalada Nairobi, uuna Midowga Yurub bixin doono dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda iyo noloshooda.

Ardaydan deeqda waxbarasho la guddoonsiiyay ayaa wax ka baran doona kulliyado ay ka mid yihiin; maamulka mashaariicda kala duwan, horumarinta, xiriirka dadweynaha iyo wax-barashada, si ay dalkooda Soomaaliya wax ugu qabtaan

Dhanka kale, ardaydan oo qaarkood ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay farxad weyn u tahay inay deeq waxbarasho helaan, iyagoo uga mahadceliyay helintaanka deeqdan danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ay sheegeen inuu dadaal weyn ku bixiyay sidii ay deeqdan u heli lahaayeen.

Xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool kumannaan qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo qaarkood halkaas ku jiray tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya