4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo shaqaale u tababartay cudurka Ebola


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Axmed Ciise Xaglo toosiye, ayaa maanta qalab iyo shaqaale u tobabaran baadhitaanka Cudurka Abolo geeyey magaalo xudeedeedka Wajaale ee Somaliland iyo dalka Itoobiya u dhexeeya.

Wasiirka ayaa sheegay in la qorsheeyey 53 gooobood oo ah meelaha laga soo galo Somaliland in la geyn doono qalab iyo shaqaale u tobabaran baadhitaanka Cudurka Halista badan ee Abolo oo kalaaftay dhawr kun oo qof oo ku nool dalalka galbeedka Afrika, kaas  dunidda si weyn uga qayliday.

Sidoo kale, wasiirka ayaa madaarka Hargeysa geeyey qalabkii iyo shaqaalihii u tobobarnaa ee ka hawlgali lahaa madaarka si ay dadka u hubiyaan inay ka caafimaad qabaan cudurkan oo walaac ku abuuray dunidda.

“wasaarad ahaan waxaanu go’aansanay in aanu dadaal dheeraad ah samaynayo, waxaana qalabkii iyo shaqaalihii tobabarnaa geyn doonaa 53 goobood oo dalka laga soo gallo, magaaladda Wajaalana waxay ka mid tahay meesha labaad ee dadka ugu badani ka soo galaan, waxa kaliya oo ka horeeya madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa”ayuu yidhi Dr:Saleebaan Axmed Ciise Xaglo toosiye oo ka hadlayey diyaar garowga ugu jiraan ka hortagga Cudurkan ABOLO.

Waxaanu intaas ku daray “ Illaahay waxaan ka beryeyaa inuu inaga badbaadiyo oo aanu cudurkaasi ina soo gaadhin, waxaana inagu waajib ah inaynu taxadar dheeraad ah samayno oo  qofkasta oo dalkeena soo galaya iska eegno, qofkii xanuunka qaban aynu dib iskaga celino, maanta waxaanu keenay qalabkii iyo shaqaalihii tobabarnaa oo qofkasta oo soo galla inta aanu xafiiska laanta socdaalka tagin wuxuu marayaa shaqaalaha Caafimaadka oo baadhaya eegayna inuu xumad dheeraad ah leeyahay marka uu halkaasi ka dhamaado ayuu xafiiska socdaalka u gudbiyaa”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Shiine, maayarka Wajaale, isku duwaha caafimaadka ee gobolka Gabiley iyo marti kale.

Wasaaradda caafimaadka ayaa maalmahan dambe bilowday ka hortagga cudurka Abolo oo caalamku si weyn uga qaylinayo ilaa hadda galaaftay kumanaan kun oo qof.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland