4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Iska-horimaad Al-shabaab iyo dad Shacab ku dhex-maray Shabeellada Dhexe

Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Deegaan lagu magacaabo Iji oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa la sheegay inuu maanta ka dhacay iska-horimaad u dhexeeyay dad shacab ah oo ku nool deegaankaas iyo xoogag taabacsan Al-shabaab.

Illaa saddex qof ayaa la xaqiijiyay inay iska-horimaadka ku dhinteen kuwaas oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kaasoo la sheegay in si weyn looga yiqiin deegaannada ku dhow degmada Mahadaay.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in iska-horimaadku uu billowday kaddib markii dadka deegaankaas iyo xubno Al-shabaab ka tirsan ay isku af-garan waayeen lacago Zako ah oo ay Al-shabaab doonaysay inay dadka ku nool deegaankaas ka qaaddo.

Qaar ka mid ah dhallinyarada deegaanka Iji ayaa la sheegay inay si gaadmo ah ku dileen Xasan Faqi oo ka mid ahaa amiirka deegaanka iyo labo kale oo ahaa ilaalada amiirka.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay maamulka Mahadaay iyo Al-shabaab oo ku saabsan dagaalkan, iyadoo aysan ahayn markii koowaad oo dad deegaanka ah iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab uu dagaal dhex-maro.

Deegaanka Iji oo dhinaca bari ee Webiga Shabeelle ku yaalla ayaa wuxuu ka mid yahay deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe oo ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab. Iyadoo la sheegay in xaaladda deegaankaas ay tahay mid aad u kacsan.

Iska-horimaadkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo xoogaga Al-shabaab iyo dadka deegaankaas dhexmara, iyadoo arrintan ay kusoo beegmayso xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanno dhowr ah oo ay gobolkaas iyo qaar ka mid ah kuwa kale ee dalka laga qabsaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya