4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Garsoorayaal Shaqada laga joojiyay iyo xeer Ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Waxaa maanta shaqadii laga joojiyay 21-garsoore oo ka tirsanaa hay’adaha kala duwan ee garsoorka gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose inta sharciga laga waafajinayo, kuwaasoo ka kala shaqeynayay maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, maxkamadda gobolka Banaadir, maxkamadaha degmooyinka gobolka Banaadir, maxkamadda Racfaanka ee gobolka Shabeellada Hoose, maxkamadda gobolka Shabeellada Hoose iyo maxkamadaha gobolka Shabeellada Hoose sida ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska madaxwyanaha Soomaaliya taariikhdu markii ay ahayd 26-kii bishan.

“Annagoo tix-raacayna wareegtadii xafiiska madaxweyanaha kasoo baxday 26/10/2014 oo dhaqan-gashay isla maalintaas in dhamaan garsoorayaasha aan sharciga ku dhisnayn laga joojiyay awooddii garsoor ee ay xukunnada ku ridi jireen. Qodobka labaad waxaa shaqada laga joojiyay garsoore kasta oo aan sharciga waafaqsanyn; isla markaana faraha kula jira shaqa garsoor.  Taasi waxay u dhacaysaa oo saamaynaysaa garsoore kasta, meeshuu rabo haka shaqeeyo, magaciisana aysan wareegtadan kusoo bixin. Qodobka kale ee saddexaad waxay wareegtadan dhaqan-gashay markii uu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed saxiixay,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaga guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir.

Waxaa kaloo uu Xeer Ilaaliyaha Qaranku sheegay in xafiiskiisa uu baaris iyo dib u eegsi ku samayn doono xukunnadii ay fuliyeen garsoorayaashan oo isugu jira hanti kala xukmin, xabsi iyo dil. Wuxuu kaloo sheegay in tallaabo laga qaadi doono hay’ad walba iyo shakhsi walba ooay ku cadaato inay ku lug lahayd magacaabista garsoorayaashan xuknunada fulin jiray; wuxuuna carabka ku adkeeyay in dhammaan hay’adaha dhaqan-galiya go’aanada iyo xukunnada maxkamadaha aanay awood u lahayn inay fuliyaan awaamirta kasoo baxda garsoorayaasha liiska ku qoran iyo kuwa aan lagu xusin ee sharci darrada ku shaqeeya.

maqalDHAGEYSO: SHIRKII JARAA'ID EE XEER ILAALIYAHA GUUD

“Dhammaan hay’adaha dhaqan-galiya go’aanadda iyo amarraada kasoo baxda garsoorayaashan sharci-darrada ah  sida; booliiska, nabadsugidda, ciidanka asluubta iyo xabsiyada, maamullada gobollada, waaxda socdaalka, hay’adaha dambi-baarista iyo ciidanka nabadgalyada waddooyinka waxaan ku wargalinaynaa inay xaqiijiyaan inay fulinayaan amarro kasoo baxday garsoore sharci-darro ah,” ayuu xeer ilaaliyuhu hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, xeer-laaliyaha wuxuu farriin u diray sii-hayaha guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv. Caydiid Ilka-xanaf taasoo uu ku sheegay in uu mar walba xafiiskiisa kasoo baxdo magacaabis grasoorayaal uu xeer ilaaliyuhu ku tilmaamay kuwo sharci-darro ah oo aan haysan magacaabis madaxwyane ama aan lahayn aqoontii garsoorka looga shaqeyn lahaa.

“Bubrukii dowladdii hore kaddib waxaa soo baxay garsoor ama dad  sheegta magac garsoorayaal oo aan qanuunka iyo sharciga waafaq-sanayn. Kuwaas oo saara xukunno saameyn ku yeesha nolosha qofka bani’aadamka ah, xorriyadiisa iyo hantidiisa. Waxay xukumiyaan dil, xabsi kala duwan, waxay xukmiyaan hanti malaayiin doollar gaaraysa. Sida darteed sharcigu wuxuu adkeeyay qofka shaqadaas qabanaya; shuruudo aad u fara badan ayuuna ku xiray si uu qofku garsoore u noqdo. shuruudahaas hadaan la waafaqin qofku garsoore ma noqon karo,” ayuu Dr. Axmed ku sheegay hadalkiisa.

Isagoo isla arrintan ka hadlaya ayuu mar kale yiri. “Maalmahan waxaa jira in garsoorayaal aan qanuunka waafaqsayn ay howlaha garsoorka qabtaan. Tan koowaad hanaankii iyo shuruudihii ay u soo mareen garsoorenimada ayaan sax ahayn sida imtixaankii, tartankii, akhlaaqdii, shahaadadii iyo wax allaale wixii shuruuda ahaa ee ka horreeyay magacaabista. Intaa markuu dhamaysto ayaa kaddib golaha adeegga garsoorka soo jeediyaa inuu qofkan garsoore noqdo. kaddib ayaa wareegto lagu saxiixaa magacaabistiisa oo uu madaxweynuhu soo saaraa.”

Garsoorayaashan maanta shaqada laga joojiyay waxay qaarkood ahaayeen kuwa muddo dheer ka shaqaynayay hawlaha garsoorka, iyagoo aan u soo marin qaabkii sharciga waafaqsanaa. Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli isbedel garsoorka dalka dib loogu habeynayo uu socdo si loo higsado bartilmaameedka dowladda Somalia uu garwadeenka ka yahay madaxwyane Xasan Sh. Maxamuud oo ah in dalka la gaarsiiyo doorasho ka dhacda 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya