4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Dugsiga Nuuraadiin oo dahab guddoonsiiyay gabdho darajooyin fiican keenay


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Dugsiga Nuuradiin qaybtiisa dumarka ayaa xaflad balaadhan u sameyey afar arday oo imtixaanaadkii shahaadiga ahaa dugsiyadda sare ugu sareeyey Somaliland, kuwaas oo uu ku abaal mariyey Dahab.

Munaasibadan waxa maanta ka soo qaybgallay  In Ka Badan Laba Kun oo kamid ah Ardeyda Gabdhaha Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Girls Hig School, kuwaas oo u dabaaldegayey afarta hablood ee dugsigoodda ah oo kaalmaha sare ka galay imtixaankii shahaadiga ee dugsiyadda Sare ee Somaliland.

Ardeyda Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Sare ee Nuuradiin Secondry Girls High School ayaa afarta hablood ku maamuusay Takhamyo dahab ah oo ay Ardeydu Dhexdooda uga agaasimeen hablaha Dhigooda ah ee kaalmaha hore ka galey natiijadii Imtixaanka Shahaadiga ah ee Heer Qaran.

Munaasibadan oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimay, islamarkaana, ay ku dheehneyd shucuur xoogan oo siweyn uga duwan ta lagu khatimo Xafladaha Dugsiyada dalka,ayaa, waxa kasoo Qeyb galay Wasiirada Wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir Kuxigeenka Arimaha Bulshada iyo Qoyska Shukri Xariir Ismaaciil,Maamulaha Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed,Maamulayaasha Dugsiyada Nuuradiin, Macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin Schools,waalidiinta Arderyda in ku dhow laba kun oo Ardey oo kamid ah Ardeyda Gabdhaha wax ka barta Dugsiga Sare ee Gabdhaha Nuuradiin iyo Marti Sharaf kale,oo tira badan.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Schools Mahad Ibraahim Maxamed oo ugu horeyn halkaa ka jeediyay hadal uu kaga waramayo Sooyaalka Dugsigan iyo Qiimaha uu u leeyahey maamul ahaan iyo Macalimiinta, Ardeyda iyo Waalidiintaba  ayaa, si xoog ah ugu qiirooday shucuurta ka muuqatey Gabdhaha Ardeyda ah ee wax ka barta Dugsigan Sare ee Gabdhaha Nuuradiin Secondry Girls High School.

Maamulaha dugsiyadda Nuuradiin oo indhihiisa ilmo ka socoto, isla markaana ku faraxsan hablaha jilbaabka xidhan ee aqoontooddii gaadhsiisay inay kaalmaha hore galaan ayaa yidhi "Waxaan qarsan kari waayay,dareenkaygii hoose ilaa mahad leh yidiidiilooyinka Bani-aadamku qofba waxbuu ku yididiiloodaa, kuwii aanu ku riyoon jirey wax kamid ahbaa rumoobay waxa kamid ah kuwa rumoobay,in ka badan laba kun oo Ardey oo Xijaabkii diiniga ahaa ee ilaahay ku waajibiyay, ee uu nabigeenii Muxamed ilaahay ku waajibayay waxaad ka bilowdaa haweenkaaga ooryahaaga, aduunyada sideedaba inta la joogaa gudkeeda waa wax tirsan,markaa qof waliba waa mid uu ka tagayo maalin maalmaha kamid ah taas, oo dadku sheegaan yar iyo weyn qofka haduu dhib badanaa in ay yidhaahdan ilaahaybaa inaga hor qaadey haduu kheyr lahaana, la sheego wanaagiisa, iyo qiimahiisii oo la ilaabi waayo hablahaas Waxaan ilaahay uga baryayaa inaad noqotaan kuwii wanaaga looga markhaati kaco,ilaahay ayaan ugu xamdi naqayaa,waa caruur yaryar oo soo koreysee ilaahay Cilimga ay baranayaan naafac ha uga dhigo,".

Waxaanu ku dheeraaday Macalimiinta wax bareysa hablahaasi in ay yihiin kuwa lagu xasuusan doono qiimahooda iyo sida ay u barbaarinayaan ee dacadnimada leh,ee dhaqanka leh ee diinteena suuban leh sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaanu Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Schools Mahad Ibraahim Maxamed halkaa ka xaadiriyay afarta gabdhood,ee kamid ahaa tobankii Ardey ee ugu sareeyay natiijada Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare ee dalka hablaha kuwaas oo kala ahaa.

1-Samiira Maxamed Ismaacii,  2-Xamda Baashe Cabdi,  3-Nafiisa Maxamed Cali, 4-Warda Cabdilaahi Cali Muuse.

Waxa kale oo uu ku dheeraaday Maamulaha Dugsiyada Sare ee Nuuradiin Mahad Ibraahim Maxamed in Dugsiyada Sare ee Nuuradiin ay Ardeyda wax ka bartaa ku guuleysteen Waxbarsaho Dibadeed(Schooler-ship), kuwaas oo ay qeyb ka yihiin gabdhuhu islamarkaana, ay kamid yihiin kuliyadaha Caafimaadka iyo Baylootka,iyo kuwa kale oo dhinacyada Waxbarashada taas oo ay qaar kalena rajeynayaan hadii eebe idmo sida uu hadalkiisa u dhigay.

"Waxaa maanta qadarin iyo sharaf inoo ah oo aynu ilaahay ugu mahad naqeynaa Guusha balaadhan ee aynu gaadhnay hadii ay noqoto Dhinaca Waxbarashada iyo dhinaca Arimaha Bulshada labadaba waxaan iskugu xambaarinayaa labadaas oo aan hadalkeyga ku bilaabayaa waxey tahey,intan oo Gabdhood oo hablihii Reer Somaliland ah oo horteyda fadhiya ayaan waxaan ugu rajeynayaa,in ay qiima balaadhan oo wax tar leh kusoo krdhin doonaan Bulshada Reer Somaliland”ayey tidhi warwo Shugri Xariir, wasiir ku xigeenka arrimaha bulshadda Somaliland.

Waxaanay intas ku dartay "Dugsiga Nuuradiin waxa uu kamid yahey Dugsiyada Hormuudka ah ee Magaalada Hargeysa , waxa uu leeyahay tayo waxbarasho oo aad u sareysa aniga caruur ayaa ii dhigan jirtey caruurteydaasi dhigan jirtey waxey kaalmaha hore ka galeen Imtixanaadii natiijada Imtixaanka Shahaadiga”

Sidoo kale, waxa ka hadashay wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay inay munaasibadan tahay mid lagu farxo, isla markaana hablaha lagu dhiirigalinayo

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland