4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Isimada Puntland oo ku baaqay in xal laga gaaro khilaafka Madaxda Dowlada

Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Qaar kamid ah waxgaradka Puntland ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay khilaafkii dhawaan soo kala dhex galay madaxweynaha dowladda Somaliya Xasan Shekh Maxamud iyo raysul-wasaare C/wali ka dib isku-shaandhayntii golaha wasiirada.

“Sida runta ah khilaafkan waxa uu jah-wareeriyay umadda Somaliyeed sababtoo ah iyaga hadba dhinac u leexinaya marna eedaymo isu jeedinaya “ayuu yiri afhayeenka isimada Punttland  Garaad Cabdulahi Cali Ciid oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Waxaan u aragna khilaafkan mid ku yimid fara-galin lagu sameeyay shaqada raysul-wasaaraha ,waana ay dhici kartaa in labada dhinacba ay ku lug yeelan karaan balse xal soo looma baahna “ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan.

Garaad Cabdlaahi ayaa ku baaqay in khilaafkan lagu dhameeyo wada-hadal iyada oo loo danaynayo danta shacabka ,waxaana uu ka digay in khilaafkan uu dib u dhigo dadaalladii nabadda ee ka socday gobollada koonfurta iyo bartamaha Somaliya.

“Iyadoo la eegayo danta umadda Soomaaliyeed waa in laga gudbaa arimahan  soo noq-noqday ee buuqa badan abuura ,waayo khilaafkan xil baa naga saran in aan wax ka oranno “ayuu mar kale xusay Garaad Ciid.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor ka soo horjeestay isku-shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirada Somaliya gaar ahaan xubno madaxweynaha ay aad isugu dhawaayeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]