4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Madaxda Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Wafdi uu Hoggaaminayo Ban Ki-Moon (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Madaxda Somalia, sida madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare C/weli Sh. Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan (Jawaari) ayaa maanta si wadajir ah kulan ula yeeshay xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo booqasho saacado qaadatay ku yimid Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaan la ogeyn waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay, balse markii uu soo gaba-gaboobmay ayaa waxaa la hadlay saxaafadda madaxda dowladda Somalia, Ban Ki-Moon iyo wafdigii la socday.

“Nabad iyo ammaan lama gaari karo haddii aanu jirin horumar, sidoo kalena hourmar ma jiri karo haddii aanu ammaan jirin,” ayuu yiri Ban Ki-Moon ku billaabay hadalladii uu shirka jaraa’id ka jeediyay, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo sidii Soomaaliya loo horumarin lahaa, amnina loo gaarsiin lahaa.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda Somalia ayuu sheegay Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay horumarka ay ku tallaabsatay Somalia, isagoo xusay inay ka duwan tahay Soomaaliya sidii ay ahayd markii uu ku yimid booqashadan ka horreysan middan sannadkii 2012-ka.

“Saddex milyan oo Soomaali ah ayaa u baahan gargaar bani’aadamnimo oo deg-deg ah, nasiib-darro tirada dadkaas aad ayay u sii kordhaysaa, waxaana ugu baaqayaa deeq bixiyeyaashi inay caawiyaan Somalia si aanay mar kale u dhicin macluul,” ayuu mar kale yiri Ban Ki-Moon.

Ban Ki-Moon wuxuu ammaanay dhismaha maamul-goboleedyada Somalia, isagoo xusay in loo baahan yahay inay noqdaan kuwo loo dhan yahay oo ay kaalin muuqata ku yeeshaan haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wafdigii la socday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ahaa; guddoomiyaha bankiga adduunka Jim Yong Kim iyo mas’uulka ugu sarreeya bangiga horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali (Al-Madani), iyagoo sheegay inay Somalia ku caawinayaan balaayiin lacag ah si wax looga qabto horumarinta dalka.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo isna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay door muhiim ah ku lahayd beesha caalamka, haddana dib loosoo nooleynayo doorkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray inay wafdiga Muqdisho oo gaaray ay wadahadallo wanaagsan la yeesheen, kaasoo looga caawiyo Soomaaliya meelaha ay doonayso in horumarka laga sameeyo, isagoo u mahadceliyay wafdiga uu hoggaaminayay Ban Ki-Moon.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isaguna ka hadlay goobta ayaa si aad ah uga sheekeeyay barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu doonayo in sannadka 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacaan doorashooyin, isagoo intaas ku daray in uu aad ugu niyad-wanaagsan yahay in ujeeddooyinkaan la gaaro, balse ay jiri karaan caqabado ka horimaan kara, loona baahan yahay in looga wada-hadlo miiska dushiisa si xal looga gaaro.

Ugu dambeyn, madaxweynaha bangiga Adduunka, Jim Yong Kim ayaa xusay in dalalka Britain iyo Sweden ay Soomaaliya ugu yabooheen lacag gaaraysa 110-milyan oo doollar, taasoo uu sheegay in wax looga qabanayo dhismaha iyo horumarinta Soomaaliya.

Wafdiga Ban Ki-Moon ayaa booqashadooda kaddib u dhoofay dalka Kenya, iyagoo socdaalkooda uu qayb ka yahay socdaallo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika, isagoo horay u soo maray dalka Jabuuti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya