4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Hay'ada SADO oo gurmad biyo lagu dhaaminayo ka sameeysay gobolka Gedo

Arbaco, 29 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Hay’adda SADO ayaa howlo biyo dhaamin ah ka biloowday tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, kuwaasoo kamid ah goobihii ay sida ba’ay u saameeyeen abaaraha iyo biyo la’aanta.

Hay’adda ayaa ugu talo gashay in mudo bil ah ay wado howlaha biyo dhaaminta, waxaana ilaa imika biyo la gaarsiiyay ku dhawaad ilaa 17 tuulo oo dadka degani ay baahi weyn u qabeen biyaha.

Maxamed Khadar C/Nuur oo ka mid ah Howlwadeenada Hay,adda SADO oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay maalmahii ugu dambeeyey in ay gurmad biyo dhaamin ah ay ka sameeyeen tuulooyin gaaraya ilaa 17, oo ka kala tirsan degmooyinka Baardheere iyo Ceel-waaq,tuulooyinkaasi oo ah kuwa ugu daran, iyadoo Qoys kastaana la siiyey maalintiiba 40-litir oo biyo ah iyo 4 xabo oo kaniin biyaha sifeeya.

Tuulooyinka ugu daran ee gurmadka biyo dhaaminta ah laga sameeyey ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Gerileey, Daarasalaam, Dhuyac garoon, Dhomo- dheere oo dhamaantood hoostaga Baardheere, halka tuuloyinka hoostaga Ceelwaaq ee biyaha la gaarsiiyey ay ka mid yihiin Caasha-cad ,  Ceelxaar, Towfiqh, Indha-ceel,  Garsal, Samarone, Bambidhuub, Tuulo-hodan, Anaaniya, Dharkeyn-jabay, Dhooble, Jambile iyo Dhiyabo, guud ahaanna waxaa la waraabiyay dad gaaraya 30,060 qof oo u dhiganta ilaa 5010 Qoys.

”Waxaa kaloo qorshaha noogu jira inaan caawinno qoysas faraha badan oo ay waxyeello kasoo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta, sida inaan ka taageerno gargaarka biyo dhaaminta, sameynta Waro biyeedyo iyo lacago la qorsheeyey in la siiyo qoysaska danyarta ah,” ayuu Max’ed Khadar hadalkiisii raaciyay.

Hay,adda samafalka wadaniga ah ee SADO ayaa mudo ka badan ilaa 20 sanno waxay howlo isugu jira gargaar bini’aadanimo iyo horumarinta mashaariicda ka wadey gobolada Gedo, Koonfurta Soomaaliya iyo weliba Gobolada Dhexe ee dalkeenna.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay hay’adda gurmad biyo dhaamin ah ka sameeyso deegaano ka tirsan gobolka Gedo, haseyeeshee gurmadkan ayaa kusoo beegamaya iyadoo gobolka Gedo aysan weli ka da’in roobabkii deyrta, taasoo keentay in deegaano badan oo gobolka ka tisran ay saameeyso biyo la’aan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya