4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Xuska Aas-aaska 91-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga oo Muqdisho lagu Qabtay


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu xusayay sannad-guuradii 91-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho, iyadoo uu ka qaybgalay xuskan madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bekar oo xafladda hadal kooban ka jeediyay, isagoo hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Turkiga ay soo martay marxalado kala duwan, ayna ku guuleysatay dhammaan hadafyadii ay sare ugu qaadi lahayd jiritaanka dowladnimada iyo dimurqaariyadda Turkiga.

Madaxweynaha Somalia oo soo xiray munaasabadda ayaa isgauna ka hadlay booqashii taariikhiga ahayd ee uu Muqdisho ku yimid Recep Tayyip Erdoğan oo haatan ah madaxweynaha Turkiga sannadkii 2011, isagoo sheegay inay xilligaas ku jirtay Soomaaliya xaalad aad u adag.

“Turkiga waa dowlad noo muujisay saaxiibnimo iyo walaalnimo daacad ah, waxayna caawiyeen shacabka Soomaaliyeed oo dhibaato weyn ku jirtay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u mahadceliyay shacabka iyo sidoo kale dowladda Turkiga.

Jamhuuriyadda Turkiga ayaa la aasaasay sannadkii 1923-kii, iyadoo wixii xilligaasi ka horreeyay uu dalka Turkiga ay ka talinaysay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya