4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Wasaaradda Beeraha Jubba oo Tababar Kalluumeysi u Furtay Kalluumeysato
Arbaco, 29 Oktoobar, 2014 (HOL) :- Wasaaradda Beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga maamulka Jubba ayaa magaalada Kismaayo tababar la xiriira xirfadda kalluumeeysiga u furtay 108 qof oo isugu jira dadka laga soo xulay xerooyinka barakacayaasha iyo weliba qaar kale oo kamid ah dadkii dib uga soo laabtay xerooyinka qaxootiyada ee dalka Kenya.

Tababarkan oo uu soo agaasimay maamulka Jubba ayaa waxaa gacan ka geeysaneeysay hay'adda ARC (American Refugee Committee), waxaana dadka ka qeybgalaya tababarkan mudo 21 beri la doonayo in wax looga baro xirfadda dhanka kalluumeeysiga.

Ugu horeyn ayaa waxaa munasibadda ka hadlay wasiirka beeraha, xoolaha iyo kalluumeeysiga maamulka Jubba Mudane Max'ed Aadan Jaamac, kaasoo sheegay in tababarkani uu faa'iido u leeyahay dadka doonaya in ay ku shaqeeystaan xirfadda kalluumeeysiga islamarkaana ka faa'iideystaan kheyraadka badooda.

"Marka uu idiin dhamaado tababarka, waxaa la idin siin doonaan doomo iyo qalab aad ku kalluumeeysataan, waxaa la doonayaa in aad ka faa'iideeysataan bulshadana uga faa'iideeysaan kheyraadka ku jira badeenna," ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay dadkii ka qeybqaadanayay tababarka.

Madax ka tirsan haya'dda ARC oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan uu noqon doono mid dadka ka qeybgalaya wax badan laga bari doono xirfadda kalluumeeysiga si ay noloshooda ugu dabaraan xirfadda ay barteen.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ah magaalo xeebeed caan ku ah kalluumeeysiga, haseyeeshee waxaa aad u yar dadka ku shaqeeysta xirfaddaasi, iyadoo arintaasi loo sababinayo qalabka kalluumeeysiga oo aysan awoodin dadka yar ee xirfadda yaqaan iyo weliba aqoonta la xiriirta kalluumeeysiga oo aad ugu yar bulshada ku dhaqan deegaanka.

...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.