4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Xoghayaha Guud ee QM iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Muqdisho soo gaaray


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Muqdisho soo gaaray goor dhow, iyadoo wafdiga uu ka mid yahay guddoomiyaha bangiga Adduunka.

Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha AMISOM ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ammaanka meelaha ku dhow garoonka aad loo adkeeyay.

Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inta uu Muqdisho inuu kulammo kala duwan la yeesho madaxda dalka, iyadoo kulammadan looga hadli doono sidii lagu gaarsiin lahaa Soomaaliya nabad iyo dowladnimo waarta.

Imaanshaha Ban Ki-Moon ayaa kusoo beegmaya iyadoo walaac xooggan ay dunidu ka qabto khilaafka u dhexeeya madaxda dalka, kaasoo aan weli wax xal ah loo helin.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa HOL u sheegay in wafdiga Ban Ki=Moon ay la kulmi doonaan saraakiisha AMISOM oo dowladda ka caawiya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab dhowrkii bilood ee u dambeeyayna kala wareegay deegaanno dhowr ah.

Waa markii labaad oo Ban Ki-Moon uu imaanayo Muqdisho, isagoo horay u yimid sannadkii 2012 xilligaasoo ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ku saabsan booqashada Ban Ki-Moon iyo wafdigiisa waxaad kula socon doontaa wararka soo socda ee HOL, haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya