4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
WASIIRKA AMNIGA: Cidii Al-shabaab xiriir la leh tallaabo ayaa laga qaadayaa


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka xukuumadda Somalia, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan cid walba oo xiriir la leedahay Al-shabaab ama la shaqeysa.

Ere goo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in hay’adaha amniga dalka ay ka go’an tahay inay qaadaan tallaabooyin ay uga hortagayaan hubka laga soo dajiyo garoommada iyo dekedaha dalka, kuwaasoo uu sheegay inay ka gacan siiyaan Al-shabaab dad la tuhusan yahay.

“Al-shabaab waxay billowday inay hub soo geliso Muqdisho, si ay shacabka ugu laayaan, kaddib markii laga qabsaday inta badna gobollada dalka, taas dowladdu go’aan ayay ka gaartay, waxaana ka go’an inay ka hortagaan ayna cid walba oo lug ku yeelata ay tallaabo ka qaadaan,” ayuu yiri Ereg.

Sidoo kale, wasiirka amniga Qaranka ayaa sheegay in guddi gaar ah oo baaris kusoo sameeya qalabkii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ay saareen, cid walba oo lagu helo inay gacan ka geysantayna la ciqaabi doono.

“Guddi baaris ayaan u saarnay konteenarkii shalay dekedda Muqdisho lagu qabtay, waana ku raad-joognaa ciddii gacanta ka geysatay, qaarkood waan haynaa kuwa kalena waa lasoo qaban doonaa,” ayuu Ereg hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay inay warbaahinta Soomaaliya u soo gudbin doonaan dhammaan arrimaha ku saabsan hubkii horay loo keenay Muqdisho, kuwa hadda la qabta iyo sida uu ku yimid iyo kuwa soo socda intaba.

Hadalka wasiirka Amniga Qaranka ayaa imaanaya iyadoo shalay dekedda weyn ee Muqdisho lagu qabtay konteenar ay ku jireen waxyaabaha qarxa iyo qalabka ciidamada sida dhar, kabo iyo midiyaha ay ciidamadu isticmaalaan.

Ciidamada Amniga dalka ayaa sheegay inay qabteen mas’uuliyiin ka tirsan shirkaddii qalabka uu konteenarkan la socday lahaa, iyadoo la sheegay inuu markabka siday alaabtan ka yimid dalka Shiinaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya