4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Khilaafka Madaxda Somalia oo dib u dhigay Kulamadii Somalia iyo Somaliland


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Khilaafka soo dhexgalay madaxda Soomaaliya ayaa sababay inuu dib u dhac ku yimaado wadahadalladii u socday Somalia iyo Somaliland oo lagu waday inay toddobaadkan ka dhacaan dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa shalay ka baaqsaday safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Dubai ee isu-tagga Imaaraadka Carabta, si ay uga qayb-galaan wadahadallada labada dhinac u socda.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dalbatay in wadahadalka dib loo dhigo, balse wali ma cada arrinkaas, inkastoo xubno ka tirsan Somaliland lagu wargeliyay in shirka dib loo dhigo.

Xukuumadda Somalia iyo maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore ku yeeshay dalka Turkiga wadahdallo ay heshiisyo ku gaareen, inkastoo xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay horay u sheegeen in dowladda Somalia ay carqalad ku tahay wahadallada.

Wadahadalladii ugu dambeeyay ee madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland ay ku gaareen dalka Turkiga ayaa waxaa qodobbadiisii ka mid ahaa in labada dhinac ay mar kale kulmaan 120-maalmood gudahood, balse waxay u muuqataa in taasi aysan xilligan suuro-gal u ahayn dowladda.

Imaaraadka Carabta ayaa laba sano ka hor ku guuleystay inuu isugu keeno wadahadal madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, inkastoo aysan shirkaas waxba kasoo bixin.

Somaliland ayaa sheegtay inay Soomaaliya inteeda kale la go’day sannadkii 1991-dii, iyadoo wadahadlaladan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo labada dhinac dhexmara tan iyo xilligaas, mana jiraan wax horumar ah oo weli laga sameeyay wadahadalladii horay u soo dhexgalay Somalia iyo Somaliland.

Dhanka kale, khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sabab u noqon kara in isbedel uu ku yimaado shirka New Deal ee Somalia loogu qabanayo dalka Denmark, iyadoo xukuumadda Copenhagen ay ka digtay in haddii lagu dhameyn waayo khilaafka taagan muddo toddobaadyo gudahood ah uu fashil ku imaan doono shirka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya