4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 29, 2014
Ban Ki-Moon oo Saacadaha Nagu soo Aaddan Imaanaya Magaalada Muqdisho


Arbaco, Oktoobar 29, 2014 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu kasoo dago garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sugaya amniga agagaarka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, inkastoo aan la joojin isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Ki-Moon oo shalay gaaray dalka Jabuuti ayaa socdaalkiisa Muqdisho wuxuu qayb ka yahay socdaallo uu ku marayo waddamada Geeska Afrika qaarkood, iyadoo inta uu joogo inuu kulammo la qaato madaxda dowladda iyo kuwa AMISOM.

Booqashadan ayaa waxay noqonaysaa tii labaad oo uu ku yimaado Muqdisho, isagoo horay u soo booqday caasimadda Soomaaliya sannadkii 2012-kii oo uu xilka hayay madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu Muqdisho imaanayaa xilli uu jiro khliaaf xooggan oo madaxda dowladda Soomaaliya u dhexeeya, kaasoo dibadda u soo baxay toddobaadkan.

Madaxda Somalia ayaa waxay isku maan-dhaafeen isku-shaandheyn kooban oo uu dhawaan golihiisa wasiirrada ku sameeyay ra’iisul waasare C/weli Sh. Axmed, taasoo uu madaxweynuhu waxba kama jiraan ku tilmaamay.

Wixii kasoo kordha booqashada Ban Ki-Moon waxaad kula socon doontaan, wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya