4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
CAALIM: Dowladda Denmark waxay ka digtay Khliaafka Madaxda Soomaaliya


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Maxamed Maxamuud Nuur Caalin oo ah la-taliye madax-bannaan oo la shaqeeya dowladda Finland ayaa sheegay in xukuumadda Denmark ay walaac ka qabto in khilaafka mas’uuliyiinta sare ee dowladda Somalia uu wax ka bedelo ajandaha shirka Somalia 19-ka November loogu qabanayo Copenhagen.

Caalin oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Denmark ay soo saartay warbixin ay ku muujinayso walaaca ay khilaafkan soo ifbaxay ka qabto, isagoo madaxda Somalia ka dalbaday inay si dhaqso ah ku xalliyaan khilaafkooda, si uusan saameyn ugu yeelan shirka.

“Dowladda Denmark waxay maanta soo saartay warbixin ay ku muujinayso walaaca ay ka qabto khilaafka madaxda Soomaalida soo dhexgalay, kaasoo ay sheegtay inuu isbedel ku keeni karo shirka Copenhagen lagu qabanayo oo sadex todobaad ay ka harsan tahay haddii aan lagu xallin muddada ka harsan shirka,” ayuu Caalin u sheegay HOL.

Shirka Hiigsiga Cusub (New Deal) ee lagu qabanayo Copenhagen ayaa looga hadli doonaa qodobbo ay ka mid yihiin; ammaanka Soomaaliya oo ay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro Al-shabaab, sidii dalka doorasho ay uga dhici lahayd 2016-ka, horumarinta hay'adaha ku shaqada leh cadaaladda iyo dhismaha maamul-goboleedyada iyo hirgelinta federaaliisimka.

“Khilaafkan waa mid ka duwan kuwii hore, waayo hadda waxaa jirta dowlad rasmi ah oo aan KMG ahayn. Beesha caalamkuna waxay aad ah ula yaaban tahay khilaafkan madaxda Soomaaliya soo dhexgalay xilligan xasaasiga ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Caalin.

Dhanka kale, wuxuu madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xalliyaan khilaafkooda caalamka ku wargeliyaan inay khilaafkooda xalliyeen si uusan saameyn ugu yeelan shirka Copenhagen, maadaama ay shacabkooda u adeegayaan, kuna han-weyn yihiin inay  Soomaaliyeed gaarsiinayaan dowladnimo buuxda.

“Xukuumadda Denmark waxay qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in khilaafka uu khatar gelin-karo dowladnimada Soomaaliya, haddii aan sida ugu dhaqsiyo badan looga gaarin xal waara,” ayuu la-taliyaha xukuumadda Finland hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in barnaamijkan loogu talogalay in dalalka ay colaaduhu ka dhaceen lagu horumariyo, ayna horay uga faa’iideysteen qaar ka mid ah dalalka Afrika ee colaaduhu ragaadiyeen, sida Maali, Liberia, DR Congo iyo kuwo kale oo caalamka ah.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo khilaafka madaxda dowladda Somalia uu dhawaan u soo baxay dibadda, kaasoo ka dhashay isku shaandheyn kooban oo uu ra’iisul waasaruhu ku sameeyay golaha wasiirrada, taasoo uu ka biyo-diiday madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

HALKAN KA AKHRISO AJANDAHA SHIRKA COPENHAGEN

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya