4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Xukuumadda Uganda oo sheegtay inay ciidan gaar ah u soo dirayso Muqdisho


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Uganda ayaa sheegtay inay u dirayso Soomaaliya 2,700 oo askari oo qayb ka noqonaya howlgalka Soomaaliya ka socda ee AMISOM, sida uu maanta sheegay taliyaha milateriga Uganda.

Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidanka cusub ay xoojinayaan kuwa ilaaliya xarunta madaxtooyada, baarlamaanka iyo garoonka diyaaradaha iyo dekedda Muqdisho. Isagoo intaas ku daray in ciidamadan ay toddobaadyo ku qaadanayeen tababar gaar ah, kaasoo ay bixinayaan saraakiil Mareykan iyo Faransiis ah.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa kaddib saddex toddobaad markii laga qabsaday Al-shabaab degmada Baraawe oo ahayd xarun weyn oo ay muddo sannado ah gacanta ku hayeen, iyadoo howlgalka looga qabsaday degmadan ay fuliyeen ciidamada Uganda ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Noqda kuwo feejigan, ogaadan aad tihiin ciidan tababar wanaagsan qaba, fadlan ka difaaca argagaxisada inay dhibaateeyaan shacabka iyo goobaha muhiimka ah,” ayuu yiri Jen. Wamala oo la hadlayay ciidamadan, isagoo sheegay in ciidamadan ay dhawaan ka degi doonaan Muqdisho.

Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa tan iyo sannadkii 2007 ka howlgalayay Soomaaliya, waxaana Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo ka socda Afrika geeya Somalia.

“Inkastoo ciidamadeenna ku sugan Soomaaliya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan badan oo ay ka mid tahay Baraawe, haddana mar walba waxay diyaar u yihiin inay caawiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Katumba.

Taliyaha milateriga Uganda wuxuu intaas ku daray in Uganda ay naf iyo maalba u hurtay sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd, loogana hor-tegi lahaa wuxuu ugu yeeray khataraha ka imaan kara kooxaha argagaxisada ah.

Al-shabaab ayaa sheegay mas’uuliyadda Qaraxyo ka dhacay Uganda 2010-kii, kaddib markii ay weerareen maqaayado lagu daawanayay ciyaaro oo ku yaalla bartamaha magaalada Kampala ee xarunta dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya