4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Webiga Shabeelle oo ku Fatahay Xaafado ka Tirsan Magaalada Beledweyne


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Fatahaada wabiga shabeelle ayaa saameyn xoog leh ku yeeshay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan magaalada Beledweyne kuwaa oo dadkii deganaa dhamaatood ka barakaceen.

Xaafaddaha saameynta ugu adag biyaha ay ku yeesheen ayaa waxaa ka mid ah Xaawo Taako, Howl-wadaag, iyo  qeybo ka mid ah xaafadda Kooshin oo ay biyuhu isku fidiyeen, waxaana jirta cabsi wali laga qabo in fatahaadu saameyso xaafado kale isla magaalada ka tirsan.

Boqolaal qoysas ah ayaa durbaba bilaabay in ay guryo macmal ah ka sameytaan deegaanka Ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne kuwaa oo ka cabanaya xaalado nolal xumo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka oo booqday deegaanka ay dadka ku barakaceen ayaa warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo lala soo gaaro barakacayaasha madaama ay yihiin dad faro maran oo aan waxba wadan.

Dadka barakacayaasha ah ayaawaxaa ka mid ah dad dan’yar oo markii horeba ku noolaa waxa maalintaa ay soo shaqeystaan, kuwaa oo hadda meel cidllo ah ku soo dhacay una baahan in la gargaaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya