4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
FAAH-FAAHIN: Rabshadihii Baydhabo ka dhacday iyo Khasaarihii ka dhashay

Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Rabshadihii maanta ka dhacay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 10-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab dibadbax looga soo horjeedo dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dibadbaxayaashan ayaa ka mid ahaa taageerayaasha maamulka lixda gobo loo horay looga dhawaaqay Baydhabo, iyadoo madaxweynaha maamulkan, Madoobe Nuunoow Maxamed uu ciidamada dowladda ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka dadka shacabka ah.

“Booliiska iyo milateriga oo ay hoggaaminayeen jeneraallada ciidmada ee gobolka Bay ayaa weeraray taageerayaal ka tirsan kuwa maamulka oo dibadbax dhigayay, dhowr qofna waa dileen in ka badan labaatameeyo kalena dhaawacyo ayay u geysteen,” ayuu Madoobe Nuunoow u shegay BBC-da.

Sidoo kale, Nuunow ayaa xusay in weerarka uu yahay mid lagu soo qaaday maamulkiisa, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay wadaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka gobollada Koonfur-galbeed ku nool.

“Rabshadihii Baydhabo ka dhacay waxaan annagu u aragnaa inay ahayd duullaan lagu soo qaaday maamulkeenna, shacabka oo arrintaas jawaab ka bixinaya si ay beesha caalamka iyo dowladda u gudbiyo aragtiyooda ayay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed weerareen dadkaas shacabka ah, dad badan ayaa waxyeello kasoo gaartay kuwo kalena waa la xiray,” ayuu yiri Nuunoow.

Madoobe Nuunoow ayaa dhanka kale sheegay in maamulkiisa oo joogay xarunta ADC-da Baydhabo lasoo weeraray, dhibaatana loo geystay, balse ma sheegin dhibaatada loo geystay nooca ay ahayd.

Magaalada Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladdeedu weli kacsan tahay, iyadoo uu ka socdo magaaladaas shirka dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed loo sameynayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya