4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Madaxweynaha oo Baydhabo ka Furay Shir lagu dhisayo Maamul (SAWIRRO)


Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Madaxwayanaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u faray shirka maamul u sameynta Koonfur-galbeed Soomaaliya oo maamuli doona gobollada Shabeellaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, wakiillada beesha caalamka u jooga Somalia, ergo ka kala socda saddexda gobol ee uu maamulku ka kooban yahay iyo marti-sharaf kale.

Qaar ka mid ah salaadiinta saddexda gobol oo shirka hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay inay aad ugu faraxsan yihiin in la gaaray waqtigii la dhisi lahaa maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed ee dalka.

Safiirka Denmark ee Somalia oo isna shirka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in bisha November ee sannadkan uu Copenhagen ku qaban-doonaan shir looga hadlayo arrimaha Somalia, gaar ahaan sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa.

Danjire Nicholas Kay oo isna hadlay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto dhaqaalaha ku baxaya inta uu socda shirkaan, ayna soo dhaweynayaan qodobbada kasoo baxa shirka ee ku aaddan dhismaha maamulka Koonfur-galbeed dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay odoyaasha dhaqanka doorka ay ku lahaayeen in maanta la furo shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, isagoo dowladda iyo beesha caalamka ka dalbaday inay ka qayb-qaataan wadahal siinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee la dhisayo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa ergeda ka qayb-galaysa ugu baaqay inay ka fekeraan mustaqbalka bulshada ku nool saddexda gobol, wuxuu beesha caalamka uga mahadceliyay doorka ay ku leeyihiin qabsoomidda shirkan.

Kulankan ayaa waxaa ka qaygalaya 380-ergo oo ka kala socda gobollada kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, kuwaasoo inta uu shirku socdo meel-marin doona dhismaha maamulka Koonfur-galbeed iyo doorashada hoggaanka maamulkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya