4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 28, 2014
Ururka Midowga Yurub oo u digay Maraakiibta Isticmaasha Xeebaha Somalia

Talaado, Oktoobar 28, 2014 (HOL) — Ka hor kulanka looga hadlayo arrimaha burcad-badeedda ee lagu qabanayo Imaaraadka ayaa waxaa soo baxaya digniinno kala duwan oo loo jeedinayo maraakibta ganacsi ee isticmaala xeebaha Somalia, isla markaana waxaa loogu baaqay in khatar sare ay wali ka jirto Somaliya.

Maadama ay is-dhimeen weerarardii burcad badeedda ayaa la sheegay in Maraakib fara badan ay bilaabeen adeegsiga xeebaha Somaliya  si ay u yareeyaan lacagaha ku baxaya safarkooda ,waxaana taasi ay keentay in baaqayo kala duwan laga soo saro.

“Ilama wanaagsana in la arko shirkadaha Maraakiibta oo si xowli ah u isticmaalaya badda Somaliya “ayuu yiri Alessandro Mariani oo ah diblumaasi ka tirsan ururka Midowga Yurub ,isaga o xusay in wali amniga badaha Somaliya aan la isku haleyn Karin.

Xubno kala matalaya 60 dal oo adduunka ah iyo in ka badan 20 hay’adood oo caalami ayaa ku sugan magaalada Dubai si looga hadlo arimahan ,waxaana lagu wadaa in si qoto dheer loo sharaxo burcadda iyo sida awoodahooda wali jira loo dhimi karo.

“Weli waxaa badaha Soomaliya ka jirta khatar aad u saraysa ,waa inaad arintaas hubisaaan isagana fogaataan xeebaha wadankaas “ayuu yiri  Ulrich Brosowsky oo kamid ah hogaanka ciidamada Midowga Yurub ka jooga badaha Somaliya.

Ugu danbayntii sanadkii 2009-ka waxaa xeebaha Somaliya lagu afduubay maraakiib dhan 51 –halka sanadkii 2012-kana la afduubay todobo markab oo kaliya ,waxaana sanadkii la soo dhaafay ay tiradu gaartay eber ,mana jirin wax markab oo ay kooxuhu so afduubeen.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]